28 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Dowladda oo shaacisay xilliga ay si rasmi ah u shaqo billaabeyso Somali Airlines

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuur, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Dowladda Federaalku ay dhowaan dib u hawlgelin doonto Shirkaddii Diyaaradaha ee Somali Airlines, tallaabadan oo soo afjaraysa in ka badan soddon sano oo ay hawada ka maqneyd astaantii qaran ee duulista, iyadoo dib u soo celinaysa rajada shacabka Soomaaliyeed. 

Isagoo Axaddii hadal ka jeedinayay magaalada Muqdisho, Wasiir Faarax wuxuu xaqiijiyay inuu jiro dardar xooggan iyo u diyaargarow qaran oo ku aaddan soo nooleynta shirkadda.

“Waxaan dhisnay Guddigii Maamulka ee Somali Airlines, waxaana meel-marinnay shuruucdii iyo nidaamkii hagi lahaa hawlgalladeeda. Sidoo kale, waxaan heshiisyo la gaarnay saaxiibbo caalami ah, annaga oo soo iibinnay diyaarado casri ah. Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa in dhowaan shirkaddeenna qaran ay dib ugu soo laaban doonto hawada, iyadoo calanka Soomaaliyeed si sharaf iyo karaamo leh ugu qaadaysa dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeedaba,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladdu ay meel gebagebo ah marinayso qorshayaashii hawlgalka, isagoo rajo weyn ka muujiyay in Somali Airlines ay duulimaadyadeeda dib u billaabi doonto ka hor dhammaadka sanadka 2025-ka, oo toddobaadyo un ay ka hareen.

Dhanka kale, wuxuu daaha ka rogay in afar shirkadood oo caalami ah ay dhowaan kusoo biiri doonaan duulimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya siddeedda shirkadood ee haatan ka hawlgala Muqdisho, oo ay ka mid tahay Turkish Airlines.

Isbeddelka adeegga hawada

Guulaha la taaban karo ee la gaaray waxaa ka mid ah soo celinta nidaamka IATA ee Xisaabaadka iyo Dejinta (BSP) kadib 33 sano oo uu maqnaa. Nidaamkan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu fududeeyo, laguna sugo macaamilka maaliyadeed ee u dhexeeya wakiillada safarrada ee diiwaangashan iyo shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah.

Wasiir Faarax ayaa caddeeyay in hay’adda IATA ay hadda u diyaar garoobeyso soo celinta koodka dalka (Country Code) ee nidaamka BSP, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya dib ugu xireysa nidaamka duulimaadyada caalamiga ah.

Maqnaanshaha nidaamkan ayaa horey caqabad ku ahaa la socodka iyo maaraynta iibka tikidhada diyaaradaha, waxaana soo laabashadiisu ay dhagax-dhig u tahay soo kabashada waaxda duulista Soomaaliya.

Shirkadda Somali Airlines, oo la aas-aasay sanadkii 1964-tii, ayaa xilliyo hore ka hawlgali jirtay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba, ka hor intii aysan hakin hawlaheeda sanadkii 1991-kii sababo la xiriira dagaalladii sokeeye.

Soo laabashadeedu ma aha oo kaliya adeeg ganacsi, balse waa astaan muujinaysa isbeddelka ballaaran ee ku yimid waaxda duulista dalka.

Horumarka la gaaray

Labadii sano ee la soo dhaafay oo kaliya, Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar la taaban karo, iyadoo gaartay heerka hawada sare ee ‘Class A Airspace’. Guushani waxay suurtagelisay in dib loo soo celiyo adeegyadii maamulka hawada kadib 30 sano oo carqalad ah, isla markaana hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerarka caalamiga ah.

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa isna lagu sameeyay casriyeyn ballaaran, iyadoo la waafajiyay heerarka ugu sarreeya ee ICAO ee dhinacyada badqabka, amniga, iyo hufnaanta shaqada.

Horumarrada kale ee la hiigsanayo waxaa ka mid ah daah-furka nidaamyo dhijitaal ah oo heer caalami ah sanadka 2025, sida dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa), oggolaanshaha safarka ee elektaroonigga ah (eTA), iyo nidaamyada xog-wadaagga ee API/PNR iyo xogta tooska ah ee Interpol/US.

Tallaabooyinkan ayaa barbar socda ansixinta toddoba heshiis oo caalami ah oo ku saabsan amniga duulista.

Ugu dambeyntii, Wasiir Faarax ayaa iftiimiyay qorshaha casriyeynta joogtada ah ee Garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale, bartamihii sanadkan 2025, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay garoon cusub oo caalami ah, kaas oo la qorsheynayo inuu mustaqbalka noqdo xudunta isku-socodka iyo gaadiidka ee Gobolka Bariga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News