Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta soo saaray qoraal kooban ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan ay si weyn isku hayaan.
Fahad Yaasiin ayaa si xooggan u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu gudaha iyo dibaddaba uu ku fashilmay, isla-markaana uu si isku mid ah u wajahay sokeeye iyo shisheeyaba, sida uu hadalka u hadalka u dhigay.
“Madaxweyne Xasan Sheekh, sokeeyaha u ciidmayaa wuu cunayaa, shisheeyaha cunayana waa u ciidmayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halku dhiggiisii Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la’ah uu ku beddlay Soomaali xaraash ah, dunidana ay kala xadeyso, sida uu qoraakka u dhigay.
“Halku dhigiisu waa Soomaali xaraash ah, dunidiina kala xadayso” ayuu mar kale yiri qoraalka oo ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook-gga.
Fahad ayaa inta badan weerara Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana qoraalkiisii ugu dambeeyay uu ku beegsaday Xamza Cabdi Barre, isagoo kula taliyay in uu mansabkiisa ku badbaadiyo dalka, sida ra’iisul wasaareyaashii ka horeeyay, uuna xayndaabkii wada-ogolka kusoo celiyo Madaxweyne Xasan, balse haddii uu taas kari waayo uu xilka iska casilo.
“Mid waa inaad Madaxweyne Xasan, gacanta ka qabato oo aad gogol loo dhan yahay oo lagu heshiiyo keento. Taas haddii aad kari waydo, oo mansabkaaga aad dalka ku badbaadin wayso, fadlan, magacaaga ka dhawro oo xilka iska casil. Jannadii aad jeclayd halkaan bey kaaga dhaw dahay,” ayuu horay u yiri Fahad.
Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa hadda qayb ka ah xisbiga Midowga Haybad Qaran oo ay ku mideysan siyaasiyiin magac iyo saameyn ku leh siyaasadda gudaha Soomaaliya, waxaana musharrax ay ka dhigteen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

