Washington (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo bayaan soo saaay ayaa shaaciyay natiijada hannaanka dib-u-eegista 4-aad oo ku salaysan wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo IMF kadib deyn cafinta.
Go’aankan ayaa muujinayo marqaatiga dadaalka Dowldda Soomaaliya ee dadaalka dib-u-dhiska iyo horumarinta dakhliga dowladda.
IMF ayaa sidoo kale boggaadisay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dadaalkeeda ku aadan hore u dhaqaajinta maaliyadda.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay sii wadday dadaalka waxqabad muuqda oo horumar maaliyadeed ah xili ay jiraan caqabado waaweyn oo caalami ah, gaar ahaan hoos u dhaca ku yimid gargaarka dibadda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda lacagta.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Markii ugu horreysay, Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay balaariso kharashka ku baxa adeegyada arrimaha bulshada iyada oo la adeegsaneyo dakhliga gudaha si loo yareeyo saameynta qaar ka mid ah gargaarka dibadda oo go’ay”.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay soo saareen Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka, kuwaas oo qiray horumarka ay saameysay dowladda ee la xiriira dhaqaalaha dalka.
“Dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ay ka tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sababay in haaatan ay ku dhawaaqaan Guddiga Sare ee IMF in Dowladda Soomaaliya loo ansixisay lacag dhan $40 milyan oo doolar ah taageerada hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri wasiir Biixi Iimaan Cige.
Waxaa kale oo uu wasiirku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay waddada saxda ah, iyada oo hirgelinaysa dib-u-habayn muhiim ah oo kor u qaadaysa adkeysiga, xoojinaysa maamulka, iyo taageerada kobacintq dhaqaalaha dalka

