Minneapolis (Caasimada Online) — Qaar ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Socdaalka iyo Kastamada Maraykanka (ICE) ay gobolkaas ka wadaan howlgallo qabqabasho iyo fulin sharci ah, oo ka dhan ah Soomaalida.
Xildhibaan Jamaal Cismaan, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Minneapolis isla markaana asalkiisu Soomaali yahay, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka ABC News ku sheegay in ciidamadu ay bartilmaameedsanayaan goobo kala duwan. Goobahaas waxaa ka mid ah xarumaha lagu barto luuqadda Ingiriiska, goobaha cibaadada, iyo guryaha dadweynaha.
Dhaq-dhaqaaqa ciidamada ICE ee Minnesota ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweyne Donald Trump uu dhawaan si adag u weeraray jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaas ku badan.
Kulankii Golaha Wasiirrada ee Salaasadii hore, Trump ayaa sheegay inaanu rabin in dadka ka yimid Soomaaliya ay joogaan Maraykanka, isagoo ku dooday inaanay “waxba ku soo kordhin dalka.”
“Tani ma ahan Maraykankii aan maanka ku hayay ee aan ku riyoonayay,” ayuu yiri Xildhibaan Jamaal. “Waxa aan arkaynaa ma ahan kaliya siyaasad; waa arrin halis ah oo khatarteeda leh.”
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in dadka la beegsanayo aysan ahayn kaliya kuwa aan sharciga haysan, balse ay ku jiraan dad haysta Lambarka Bulshada (Social Security), kuwo haysta oggolaanshaha shaqada, dadka sugaya wareysiyada magangalyada, iyo xitaa muwaadiniin Maraykan ah.
Jamaal ayaa tilmaamay in dadku ay ka cabsanayaan inay guryahooda ka soo baxaan, wuxuuna kula taliyay dadka asalkoodu Soomaaliga yahay inay mar kasta qaataan baasabooradooda meel kasta oo ay aadayaan.
“Marnaba ma filaynin inay imaan doonto maalin lagaa rabo inaad caddayso sharcigaaga Maraykanka dhexdiisa, sababtoo ah waxaad u egtahay Soomaali,” ayuu Jamaal u sheegay ABC News. “Laakiin xaqiiqada maanta taagani waxay tahay in dadku aysan guryahooda ka soo bixin baasaboor la’aan.”
Dhinaca kale, waaxda ICE ayaa sheegtay inay xireen 12 qof intii uu socday howlgalkooda Minnesota, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Associated Press. Dadka la xiray ayaa kala ahaa lix u dhalatay Mexico, shan Soomaali ah, iyo hal qof oo u dhashay El Salvador.
Waaxda Amniga Gudaha (DHS), oo maamusha hay’adda ICE, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi ay ABC News u dirtay oo ku saabsanaa tirada rasmiga ah ee dadka la xiray.
Amiin Haaruun, oo ah qareen dhanka socdaalka ah oo fadhigiisu yahay Minneapolis, ayaa wareysi uu Arbacadii bixiyay ku sheegay in inta badan Soomaalida ku nool Minnesota ay yihiin muwaadiniin, dad haysta deggenaansho rasmi ah, ama dad magangalyo-doon ah oo si sharci ah ku jooga.
Afhayeen u hadashay Waaxda Amniga Gudaha, Tricia McLaughlin, ayaa u sheegtay ABC News in hay’addu ay kaliya fulinayso shuruucda dalka u yaalla.
“Waxa qofka ka dhigaya bartilmaameedka ICE ma ahan isirkiisa ama qowmiyadda uu ka soo jeedo, balse waa xaqiiqada ah inuu dalka ku joogo si sharci darro ah,” ayay tiri McLaughlin. Waxayna intaas raacisay, “Kama hadalno howlgallada mustaqbalka ama kuwa dhici doona.”
McLaughlin kama aysan jawaabin su’aal la weydiiyay oo ahayd in howlgallada ICE ay si rasmi ah uga billaabmeen Minnesota.
Qareen Haaruun ayaa dhanka kale la wadaagay ABC News dhacdo naxdin leh, isagoo sheegay in mid ka mid ah macaamiishiisa oo haysata deggenaansho rasmi ah (Green Card) ay ciidamada ICE ku booqdeen gurigeeda maalintii Talaadada.
Qareenka ayaa sheegay in ciidamadu ay gurigaas ku sugnaayeen muddo saddex saacadood ah ka hor inta aysan haweeneydu u soo bandhigin caddaynta sharcigeeda, arrintaas oo ku reebtay walwal, argagax iyo cabsi xooggan.

