Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo shalay si adag ugu dhalillay dowladda amniga iyo sida ay u waddo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2026.
Fiqi ayaa hadallo gef ah ku tilmaamay in la siyaasadeeyo amniga caasimada, isla markaana la xaqiro guusha wayn ee haatan laga gaaray amniga guud.
“Wareerka Madashii calaacalka haystaa wuxuu gaaray in ay yiraahdaan oo ku dhiiradaan hadallo gef iyo gaboodfal ku ah Caasimadda Muqdisho. Waraysi aan dhagaystay ayaa waxaa ku jirtay “waa amni in la yiraahdo Muqdisho waa nasiibdarro”.
Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay mucaaradka in ay diideen saddex tallaabood OO ay qaaday dowladda, gaar ahaan doorashooyinka, wax ka beddalka dastuurka iyo sugidda amniga.
“Doorasho waa diideen, dastuur waa diideen, haddana Amniga jira ee shisheeye iyo shacabba la wada qirayo ayay muran gelinayaaan!. Marka aad siyaasadda ku dayowdid waa sidaas!” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Muqdisho bishan taariikh ayay dhigaysaa, waxay dooranaysaa dad ay kala xisaabtami karto amniga iyo horumarka, Qofkii intaaas diidanna waa mid shabaabka la jecel in ay dalka ka taliyaan”.
Hadalkan ayaa jawaab u ah wareysi gaar ah oo uu shalay BBC-da siiyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan doorashooyinka.
Shariif ayaa kashifay in Madaxweynuhu diidan yahay in laga heshiiyo hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan qorshaha la xiriira hirgelinta qof iyo cod, waxaana sidoo kale uu walaac ka muujiyay hawlaha doorashooyinka iyo qorshe uu sheegay in aan laga tashan oo ay ku dhaqaaqeyso Villa Soomaaliya.
“Madaxweynaha khilaafka isagaa abuuray heshiiskana isaga ayuu ka socon waayay annagu waa ku laa laabanay shirarkii dhacay” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shariifka ayaa intaas kusii daray “In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xur ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo”.

