30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

SHARIIF oo xog ka bixiyey shirka Kismaayo, shaaciyey mowqif ku aadan Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha musharaxiinta mucaaradka, ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixiyey shirka Kismaayo ay ku yeelanayaan mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland.

Sheekh Shariif oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in shirkaasi ajandihiisu uu yahay in la helo aragti dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin iyo hannaan doorasho oo hufan oo suurtagal ah, keeni karana wax ka wanaagsan wixii ka horeeyey ee ah in khilaafaadka lagu xalliyo.

Sheekh Shariif oo ka hadlayey cidda ka qayb galeysa shirkaas ayaa sheegay in ay ka qayb galayaan Golaha Samatabixinta iyo cidii kale ee loo arko in ay mudan tahay in ay timaado.

Mar la weydiiyay in siyaasiyiin ku jira Golaha Samatabixinta ay diiddan yihiin in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qayb galo shirkaas waxa uu kaga jawaabay in shirka Golaha Mustaqbalka ay tagayaan saddex qaybood: Madasha Samatabixinta iyo maamullada Puntland iyo Jubaland, laakiin shirka guud ee Soomaalida cidna looma diidi karo.

“Qof kasta oo qiime leh, ama madaxweyne hore ha noqdo ama cid kale ha noqoto, cidna looma diidi karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaadiid oo ka tirsan xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga Himilo Qaran ee Shariif, ayaa shalay sheegay in aysan jirin cid Farmaajo u diiday shirkaas, uuna tegi karo, maadaama uu yahay madaxweyne hore oo dalka soo maamulay, si weynna uga soo horjeeda sida wax loo wado.

“Farmaajo waa madaxweyne dalkaan soo xukumay, khaladaadka socdana wuu diidan yahay; tagitaankiisa shirka Kismaayo iyo gogosha waxay u taalla dowlad-goboleedka dhigey,” ayuu sii raaciyey.

Sheekh Shariif ayaa qaba in khilaafaadkan jira oo dastuur ama doorashooyin leh ay u haystaan in ujeeddada laga leeyahay ay tahay muddo kororsi, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay in aanu doonayn muddo kororsi, muddo xileedkiisana waxaa ka dhiman ku dhawaad lix bilood.

Mar la weydiiyay Sheekh Shariif nooca doorasho ee ay doonayaan haddii tii qofka iyo codka ahayd ay diiddan yihiin, ayuu kaga jawaabay: “Doorashada aan ka hadlayno waa mabaadii’ iyo inay ka fiicnaato tii hore, isla markaana doorasho musuqmaasuqeedu uu yar yahay,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in doorashooyinkii la soo dhaafay musuqmaasuqoodu uu aad u badnaa.

- Advertisement -

Read more

Local News