Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ahaa oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu qaaday xerada Jeneraal Dhagabadan Ex Nac-naca oo ku taalla degmadaasi.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ka hortageen ciidanka amniga ee ku sugnaa goobta, kuwaas oo toogtay nin isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inuu galo gudaha xeradaasi.
Ninka ayaa la sheegay inuu dhex galay askar saf ku jirtay, balse markii laga shakiyay ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ilaalada ee xerada ku sugnaa.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ku toogtay naftiis-halige , kaas oo isku soo xiray walxaha qarxa, Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa toogtay naftii-haligaha kadib markuu isku dayay in uu galo Xerada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray qaar kamid ah askartii ku jirtay shaqada, gaar ahaan kuwii ku qornaa waardiyaha oo waxyeelo kasoo gaartay is-miidaaminta.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana amniga xaqiijinaya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi, sida lagu caddeeyay qoraalka.
“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijinaya in amniga xeradda iyo guud ahaan nawaaxigeeda uu yahay mid sugan” ayaa mar kale lagu yiri warqadda.
Marar badan oo hore ayay Al-Shabaab beegsadeen xeradan oo inta badan lagu tababaro ciidanka Xoogga dalka, waxaana ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay daganeyd guud ahaan xaaladda amni ee caasimada, waxaana howlgallo joogta ah ka waday ciidanka dowladda.


