23.7 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Israa’iil oo shaacisay in ay ‘wada-xiriir gaar ah’ la leedahay dowladda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Sharren Haskel, ayaa Arbacadii sheegtay in dowladda Israa’iil ay “wada-xiriir gaar ah” la sameysay Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo salka ku haya dano wadaag ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa saameynta kooxda Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.

Haskel ayaa hadalkan ka sheegtay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ay siisay telefishinka i24NEWS. Soomaaliya oo ah dal Muslim ah, xubinna ka ah Jaamacadda Carabta, ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah oo rasmi ah la lahayn Israa’iil.

“Waxaan aaminsanahay in xaaladda halkaas [Soomaaliya] ka jirta ay tahay mid aad u halis ah,” ayay tiri Haskel, iyadoo intaas ku dartay, “waana mid saameyn ku yeelan doonta dunida inteeda kale.”

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sharraxday culeyska ka imaanaya dhanka Xuutiyiinta, waxayna tiri: “Xuutiyiintu waxay cadaadis ku hayaan Soomaaliya. Tani waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha, kalluumeysiga, marin-biyoodyada iyo badeecadaha halkaas ka gudba.”

Hadalka sarkaalkan sare ayaa imaanaya xilli warbixin horraantii sanadkan kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu xusay “xiriir soo kordhaya” oo u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo marinka Baabul Mandab.

Mar ay ka hadlaysay xiriirka guud ee qaaradda Afrika, Haskel waxay xustay in Israa’iil ay cilaaqaad la leedahay “ku dhawaad dowlad kasta oo qaaradda ku taal,” iyadoo sheegtay in arrimaha Afrika ay udub-dhexaad u yihiin shaqadeeda wasaaradda.

Hadalkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee rasmi ah ee sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil uu ku shaaciyo xiriir ay la sameeyeen dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa horey marar badan si shaacsan taageero ugu muujisay Falastiiniyiinta intii uu socday dagaalka Gaza, sidoo kalena u codeysay qaraaro ka dhan ahaa Israa’iil, iyo kuwa lagu taageerayo Falastiin, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe.

Sidoo kale madaxda Soomaaliya ayaa marar badan hadallo kulul meelo fagaare ah ugu weeraray Israa’iil.

Wareysiga ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha siyaasadda gudaha ee Israa’iil. Mar wax laga weydiiyay hadallada Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, Haskel waxay qiratay in hadalladoodu ay dhaawacayaan Israa’iil, balse waxay xustay in marka la eego nidaamka siyaasadeed ee dalka, aysan ka turjumeyn mowqifka rasmiga ah ee dowladda.

Hase yeeshee, waxay dhaleeceyn kulul u jeedisay Ra’iisul Wasaarayaashii hore, Ehud Olmert iyo Ehud Barak, iyadoo ku eedeysay inay faafinayaan “been abuur iyo dacaayado” dalka u geystay dhaawac ka weyn midka wasiirrada hadda jira. Olmert ayaa dhowaan sheegay in Israa’iil “laga yaabo inay dambiyo ka gashay” Gaza.

- Advertisement -

Read more

Local News