Jamaame (Caasimada Online) — Howlgallo milateri oo isugu jiray duqeymo xagga cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo weerar dhulka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo huwan ah oo Soomaali ah, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan carruur aad u da’yar, xilli bishii hore la beegsanayay saldhigyo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.
Howlgalkan oo dhacay 15-kii Nofembar ayaa lala beegsaday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ah magaalo istiraatiiji ah oo muddo tobanaan sano ah ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen odayaasha deegaanka iyo goob-joogayaal la hadlay shabakadda wararka ee Drop Site News, weerarka ayaa ku billowday diyaarado sahan ah oo muddo dul wareegayay hawada, waxaana xigay duqeymo culus iyo madaafiic lala dhacay xaafado ay dad shacab ah degan yihiin.
Hogaamiye-dhaqameedka deegaanka ayaa soo ururiyay liiska magacyada dadka dhintay oo gaaraya 11 qof iyo dhaawaca lix kale. Dadka geeriyooday waxaa ku jiray toddoba carruur ah; afar kamid ah waxay ahaayeen walaalo halkaas ku wada dhintay iyaga iyo hooyadood.
Xanuunka iyo culeyska musiibadan waxaa si tiiraanyo leh u qeexay Maxamed Xasan Cabdulle. Gabadhiisa oo toddoba bilood jir ahayd, Nurto Maxamed Xasan, ayaa ku geeriyootay firirka madaafiicda xilli ay dhabarka ku siday hooyadeed.
“Ilmuhu dhaqdhaqaaq ma lahayn, aniguna waxaan la tacaalayay sidii aan u badbaadin lahaa xaaskayga,” ayuu yiri Maxamed, isagoo ku tilmaamay duqeynta inay u soo dhacaysay “sida roobka oo kale.”
Xaaskiisa, Farxiyo Xasan Cumar, ayaa dhaawac halis ah soo gaaray, waxayna naftu ka baxday kadib shan saacadood oo dhib badan oo la isku dayayay in isbitaal loo qaado waddooyin fatahaado xireen awgood.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed ku xaqiijiyay inay duqeymo ka fuliyeen aaggaas si ay u taageeraan ciidamada Soomaaliya. AFRICOM waxay sheegtay inay sanadkan oo kaliya Soomaaliya ka fulisay in ka badan 100 duqeymood, balse kama aysan jawaabin codsiyo la xiriiray khasaaraha rayidka ee ka dhashay howlgalka Jamaame.
Ciidamada dhulka ee howlgalka qaybta ka ahaa ayaa isugu jiray Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Jubbaland, iyo guutada Danab oo ah kumaandoos gaar ah oo uu Mareykanku tababaray.
Goob-joogayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen in xubnaha Al-Shabaab aysan ku sugnayn goobaha rasmiga ah ee duqeyntu ka dhacday xilligaas.
“Kama aanan fileyn inay na duqeynayaan,” ayay tiri Maariya Cabdi Xaaji Guuleed, oo ah hooyo laba carruur ah ay uga dhaawacmeen firir xilli ay quraac siinaysay.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed oo xooggan gudaha Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha waxay aaminsan yihiin in maamul goboleedyada, sida Jubaland—oo dhawaan ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay nidaamka federaalka—ay wadaan howlgallo gardar-ka-ciyaar ah oo ay ku doonayaan inay Mareykanka ugu muujiyaan inay yihiin saaxiibbo la isku hallayn karo dhanka la dagaalanka argagixisada, si ay u helaan taageero toos ah.
Weerarka ayaa sidoo kale sii huriyay xiisadaha u dhexeeya beelaha, maadaama dadka dhibaatadu soo gaartay ay u badnaayeen beesha Biimaal, kuwaas oo dareensan in lagu takooray siyaasadda gobolka Jubaland.
Isbuucyo kadib weerarka, dadka deegaanku waxay sheegayaan in Jamaame ay haawanayso. Dadkii badbaaday oo u qaxay beeraha hareeraha magaalada, ayaa sheegay inay weli cabsi weyn ka qabaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee Mareykanka oo weli dul heehaabaya aaggaas.

