27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Beesha caalamka oo Axmed Madoobe kala hadashay shirka Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayo James Swan kana mid yahay Safiirka Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Madoobe.

Kulankan oo ka dhacay Nairobi, ayaa waxay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro kala hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe shirka mucaaradka ee dhawaan lagu qabanayo magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxay dhinacyadu kulankooda uga hadleen xaaladda cakiran ee siyaadda Soomaaliya, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubaland

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa warbixin siiyay wafdigaan sare ee ka socda Qaramada Midoobay, ugana waramay shirka dhawaan ay xubnaha mucaaradka oo qeyb ka yihiin maamullada Jubaland iyo Puntland ku qabsanayaan Kismaayo.

Shirweynaha Kismaayo oo muddo dheer ay qaban-qaabinayeen mucaaradka ayaa lagu wadaa inuu furmo toddobaadkan, haddii uusan isbeddel ku iman.

Ujeedada ugu wayn ee shirkan ayaa ah in la helo aragti dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin iyo hannaan doorasho oo hufan oo suurtagal ah, keeni karana wax ka wanaagsan wixii ka horeeyey ee ah in khilaafaadka lagu xalliyo.

Si kastaba, Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana qorshuhu yahay in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.

Shirweynahan ayaa la filayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka , xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan.

- Advertisement -

Read more

Local News