27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Siyaasiyiinta mucaaradka oo kusii qul-qulaya Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kusii qul-qulaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, iyadoo maanta ay halkaasi gaareen siyaasiyiinta u badnaa ee mucaaradka.

Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in uu maalinta Khamiista ka furmo magaalada Kismaayo, kaas oo lagu dhamaystirayo dhismaha golahaasi.

Shirweynahan ayaa sidoo kale mucaaradku kaga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku bahoobay Madasha Mucaaradka, iyo madaxda Jubbaland oo keliya ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in ay ka qeyb-galayaan wejiga koowaad ee shirka.

Shirweynahan ayaa la sheegay in uusan ka mid ahayn Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo beesha caalamkuna si gaar ah isha ugu hayso go’aannada kasoo baxa shirkan, xilli ay Dowladda Federaalka sii waddo qorshaheeda doorasho toos ah.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

Sidoo kale, goluhu wuxuu si adag u diiday wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo dalka ka dhacda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha Dowladda Federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu ahayn, iyo wax-ka-beddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Goluhu wuxuu markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay u istaagaan badbaadinta dalka, ayna adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka, taas oo ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

- Advertisement -

Read more

Local News