Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan dibad-joog ah ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Fahad ayaa soo saaray farriin uu uga hadlay damaca Xasan ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, isaga oo is barbar dhigay xilligii uu ahaa mucaaradka iyo hadda.
Sidoo kale wxuu hoosta ka xariiqay in doorashada la qaban qaabinayo ay tahay qof iyo qori, uuna qabsanayo hal xasbi, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in guddiga doorashada uu yahay guddi hal dhinac u raran, isla markaana uu ka shaqeynayo danaha Madaxweynaha oo kaliya.
“Waxaan kaligay qabsanayaa doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori. Waa doorasho hal magaalo ah, hal xisbi ah, guddi hal dhinac ah. Qalabka anigaa leh, Natiijadana anigaa sii aqaan. Kartidaas dalka oo dhan kaligay baa leh. La idiin oojin maayo ee ogaada!” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-
𝙆𝘼: 𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙚𝙮𝙣𝙚 𝙓𝙖𝙨𝙖𝙣 𝙎𝙝𝙚𝙚𝙠𝙝
𝙆𝙐: 𝙈𝙪𝙘𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙆𝙞𝙨𝙢𝙖𝙖𝙮𝙤 𝙠𝙪 𝙨𝙝𝙞𝙧𝙖𝙮𝙖
𝙐𝙅𝙀𝙀𝘿𝘿𝙊: 𝙇𝙊𝙊 𝙅𝙊𝙊𝙅𝙄𝙉 𝙈𝘼𝘼𝙔𝙊
- Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Farmaajo ka hor istaago qabashada doorasho qof iyo cod ah, waliba aan xabbad ku joojiyo, Mirinaayo usoo fariisto ilaa aan Farmaajo ku qasbay inuu talada Doorashada iska wareejiyo. Sidaas waxaan yeelay anigoo mucaarad ah.
- Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Saciid Dani ka fashiliyo doorasho qof iyo cod ah, waliba waxaan ku handaday in Putnland ay 24 cisho gudahood ku dumisayso haduusan jojinin.
Dani, wuxuu ku qasbanaaday inuu qabto doorasho dadban. Sidaas waxaan hirgaliyey anigoo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah. Loo joojin maayo.
Waxaan kaligay qabsanayaa doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori. Waa doorasho hal magaalo ah, hal xisbi ah, guddi hal dhinac ah. Qalabka anigaa leh, Natiijadana anigaa sii aqaan. Kartidaas dalka oo dhan kaligay baa leh. La idiin oojin maayo ee ogaada!
Wabillaahi Towfiiq

