Cadan (Caasimada Online) — Kaddib toddobaadyo ay kacsanayd xiisadda ka aloosan gobollada bari ee dalka Yemen, taas oo ay hurinayeen dhaqdhaqaaqyada Golaha Kumeel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ee ku aaddan la wareegista gobollada Xadramuut iyo Al-Mahra, waxaa hadda soo baxaya calaamado muujinaya in ciidamada Sucuudigu taageero ay billaabeen inay banneeyaan fariisimahoodii caadiga ahaa, iyagoo u wareegaya goobo kale.
Ciidamada Difaaca Qaranka (NSF), oo ah garab milatari oo taabacsan dowladda, ayaa ka guuray saldhigyadoodii ay ku lahaayeen gobollada koonfureed ee Cadan, Laxij, Abyan iyo Al-Daalic, iyagoo u wareegay dhulka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya deegaannada Al-Wadica iyo Al-Cabr ee bariga dalkaas.
Tallaabadan ayaa ciidamadan dhigeysa jiidda galbeed ee Xadramuut, gobolkaas oo ay weli ku dheggen yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfurta—garabka hubeysan ee STC-da ay Imaaraadku taageeraan—kuwaas oo diiday inay banneeyaan inkastoo uu cadaadis kaga imaanayo Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC) ee beesha caalamku aqoonsan tahay.
Farriin cod ah oo lagu baahiyay WhatsApp-ka, oo uu duubay Taliyaha NSF Bashiir Seyf, ayuu ugu hambalyeeyay ciidamada hawlgalkan dib-u-habeynta ah. Arrinta xusidda mudan, kana turjumaysa khilaafka jira, ayaa ah in farriintaas aan gabi ahaanba lagu soo hadal-qaadin Madaxweynaha Golaha PLC, Raashaad Al-Calimi, iyadoo taliyuhu uu mahadcelin u jeediyay kaliya Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga.
Wararka hoose ee laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in kaddib kulan dhex maray wakiillada STC iyo saraakiisha milatariga Sacuudiga, labada dhinac ay gaareen is-afgarad dhigaya in gacan ku haynta Xadramuut lagu wareejiyo Ciidamada “Hadrami Elite Forces” ee xulafada la ah STC, iyadoo kooxda gooni-u-goosadkuna ay ballanqaadday inay la baxayso maleeshiyaadkeeda kale.
Sida ku cad heshiiskan dadban, STC ayaa sii haysan doonta awoodda buuxda ee Cadan iyo Jasiiradda Sokodra, halka u-wareegista ciidamada NSF ee aagga Xadramuut iyo Al-Mahra ee u dhow xuduudda Sacuudiga loo arko tallaabo qayb ka ah qorshahan cusub.
Loolanka Sucuudiga iyo Imaaraadka
Todobaadkii hore, STC waxay ku tilmaameen la wareegistooda Xadramuut mid lagama maarmaan ah oo looga hortagayo musuqmaasuqa, tahriibinta, iyo kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Qaacidda. Kooxdu waxay sheegtay inay hiigsaneyso soo celinta kala-dambeynta gobol ay ku tilmaameen mid muddo dheer la dayacay.
Si kastaba ha ahaatee, hadafka siyaasadeed ee rasmiga ah ee STC waa in dalka la kala gooyo, laguna noqdo xuduudihii jiray ka hor midnimadii 1990-kii, si dib loogu dhiso Jamhuuriyaddii Koonfurta Yemen. Kooxdan waxaa dhaqaale iyo cududba ku taageera Imaaraadka Carabta, iyadoo hoggaamiyayaashooda siyaasadda iyo kuwa milatariguba ay xiriir toos ah la leeyihiin Abu Dhabi.
Is-ballaarinta STC ee gobollada bari ayaa dhalisay iska-hor-imaad hubeysan oo dhex maray iyaga iyo qabaa’ilka reer Xadramuut oo diiddan sharciyaddooda—gaar ahaan muranka ka taagan gacan ku haynta Shirkadda Petrolmasila oo maamusha ceelasha shidaalka ee ugu weyn gobolka. Arrintan ayaa abuurtay loolan qabow balse muuqda oo u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi, maadaama Sucuudigu uu taariikh ahaan garab istaag u muujin jiray qabaa’ilka Xadramuut iyo dowladda sharciga ah ee Al-Calimi.
Xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa banaanka u soo saartay kala-fogaansho dhanka siyaasadda ah, iyadoo warbaahinta ugu waaweyn Sacuudiga iyo dadka faaqida siyaasadda ay si aan looga baran u weerareen siyaasadda Imaaraadka—tani waxay muujineysaa kala-aragti duwanaansho la mid ah midda labada dal ka dhex taagan colaadda Suudaan.
Kaddib dhaqdhaqaaqa milatari ee STC, Sucuudiga ayaa si kumeel-gaar ah u xiray hawada Yemen, tallaabadaas oo dadka indho-indheeya ay ku sheegeen mid lagu fududeynayay bixitaanka ciidamada Sacuudiga ee ku sugnaa goobaha ay STC maamusho. Goobaha ay banneeyeen waxaa kamid ah Madaxtooyada Cadan, saldhigga milatari ee garoonka diyaaradaha Cadan, iyo Jasiiradda istiraatiijiga ah ee Mayuun oo ku taal marinka Baabul Mandab.
Dhanka kale, STC-da Cadan ayaa billowday inay dhidibbada u aastao maamul u gaar ah iyo hay’ado diimeed oo barbar-socda kuwa dowladda, iyagoo dhawaan dhisay Hay’adda Fatwada Koonfurta. Tani waxay calaamad u tahay in kooxdu ay dooneyso inay saameynteeda ku fidiso sharciyadda diinta, marka laga soo tago awoodda amniga iyo maamulka.

