26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Jubaland oo heegan gelisay ciidankeeda kadibna gaysay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirweynaha mucaaradka ee dhawaan ka dhacaya gudaha magaaladaasi.

Jubbaland ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, waxayna gaysay gudaha iyo daafaha Kismaayo, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee magaalada.

Ciidamada ayaa bilaabay baaritaanno dheeraad ah, waxaana lasoo warinayaa in duleedka magaalada lagu xayiray gaadiid ku socday gudaha Kismaayo, sababo la xiriira amniga, maadaama haatan madax badan ay joogaan halkaas.

Sidoo kale, waxaa maanta la filayaa in Kismaayo ay tagaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, gaar ahaan xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo toos ugu xirtay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo ka qayb-galaya shirka Kismaayo oo furmaya maalinta Khaamiista ah ee soo socota.

Shirweynahan ayaa la sheegay in uusan ka mid ahayn Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo beesha caalamkuna si gaar ah isha ugu hayso go’aannada kasoo baxa shirkan, xilli ay Dowladda Federaalka sii waddo qorshaheeda doorasho toos ah.

Sida qorshuhu yahay mucaaradka ayaa shirkan kaga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

- Advertisement -

Read more

Local News