26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Jubaland oo ka hadashay arrinta madaxweyne Farmaajo iyo xiriir kala dhexeeya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa haatan Kismaayo ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka mucaaradka ee la filayo in Khamiista uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo ay ka qayb-galayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Jubbaland ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka Kismaayo, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan madaxda mucaaradka ee isugu tegaya halkaasi, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday doorka Farmaajo ee shirka Kismaayo.

“Hakani waa garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ee Jubbaland waxaan halkan u wada joognaa soo dhaweynta wafuuda qiimaha badan ee Soomaaliyeed madaxdii qaranka oo innoo imaanaya, iyadoo aad ogtihiin shirka halkan ka furmi doono”. ayuu yiri Xidig.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wixii war ah oo shirkaas ku saaban iyo xaalkiisa odayaasha ayaan deyneynaa, laakiin annaga doorkeenna waxaa waayay soo dhaweyn”.

Intaas kadib xildhibaanka oo saaxib dhow la ah Axmed Madoobe ayaa sheegay in Farmaajo uu la dhacsan yahay shirka, isla markaana uu raali ka yahay waxa ka socda magaalo xeebeedka Kismaayo oo ay ka dhacayaan wada-hadallada.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in xiriir wanaagsan oo toos ah uu ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Axmed Madoobe, isla markaana aanu wax dhibaato ka jirin dhexdooda, sida uu hadaka u dhigay.

“Farmaajo aniga saddex maalin kahor ayaan la kulmay waxa halkan ka socda iyo shirka raalli ayuu ka yahay inuu hadda kasoo qayb-galo wax cudur ah oo hadda ka jiraa ma jiro, laakiin waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Mudane Farmaajo waxay leeyihiin xiriir toos ah” ayuu mar kale yiri Xidig.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

- Advertisement -

Read more

Local News