Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dilay askari kale.
Dilka ayaa eedeysanaha waxa uu u adeegsaday bistoolad uu marxuumka kaga dhuftay caloosha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska.
Ciidamada Booliska Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa isla markiiba gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dilka gaystay oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Cabdi, kaas oo dilay marxuum Xidigle Fu’aad Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay eedaysane K/k: Maxamuud Xasan Cabdi, oo ku eedaysan dilka marxuum Xidigle Fu’aad Maxamed Nuur, kana tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Booliska ayaa intaas ku daray in dambiilaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
“Marxuumka ayaa u geeriyooday xabbad ka dhacday bistooladda eedaysnaha, taas oo kaga dhacday caloosha, Ciidanka Booliska ayaa wada baaritaanno ku saabsan dhacdada, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal iyo dhac ay gaysanayaan askar iyo burcad inta badan lagu arko xaafadaha qaar, waxaana dhawaan koox isku xiran oo laga soo qabtay Dayniile la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada oo xukunno adag ku ridday.


