27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xiisad culus oo mar kale ka soo cusboonaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale xiisad culus ay kasoo cusboonaatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysa shaqaalaha ka howlgala garoonka iyo shirkadda Favori.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo si weyn uga cabanaya maamulka sare ee shirkadda ayaa maanta dibad-bax ka dhigay afaafka hore ee garoonka, iyaga oo sidoo kale sameeyay shaqo joojoojin, si wax looga qabto cabashadooda.

Shaqaalaha oo la hadlay warbaahinta ayaa shirkadda maamusha garoonka ku eedeeyay mushaar goosasho aan sharci ahayn iyo xad-gudubyo kale.

“Qof bani’aadan ah oo 30 maalmood shaqeynayay ayaa maanta 18-ka bisha tahay mushaarkiisii uu maqan yahay, maanta wax walba waan waynay marka shaqaalaha boosaskoodii in laga eryo, loona shaqo abuuro Kenyaan, Yugaandhees iyo Turki, iyadoo dadkii Soomaaliyeed ay baaga muudo wada yihiin” ayay tiri Nasro oo kamid ah shaqaalaha garoonka Aadan cadde.

Sidoo kale, waxay farriin u dirtay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha, iyaga oo ka codsatay inuu soo farageliyo arrintooda.

“Waxaan codsaneynaa oo aan cod dheer iyo cod gaaban ku codsaneynaa in shaqaalahan xuquuqdoodii ay waddanka ku lahaayeen oo lagu gabood falay loo raadiyo” ayay mar kale tiri Nasro.

Marar badan ayay soo laa laabtay cabashada shaqaalaha Soomaalida ee garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo mar kasta dhibaato ka sheegta Favori , haddane ma jiro cid si muuqata wax uga qabata cabashadooda.

Dhawaan Ra’iisul wasaaraha oo booqday garoonka ayaa u yeeray madaxda shirkadda Favori, isaga oo kala hadlay wax ka qabashada cabashada ka taagan garoonka iyo horumarinta adeegyadiisa oo meelaha qaar ka liita.

- Advertisement -

Read more

Local News