25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Maxaa kala qabsaday Danab iyo Al-Shabaab soo galay duleedka Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Kumaandooska Danab ay ka sameeyeen duleedka Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen Ururka 161-aad ee ciidanka Danab ayaa beegsaday deegaanno ay dhuumaaleysi ku joogeen Al-Shabaab, una dhow caasimada kuwaas oo ay kamid yihiin Basro, Baqdaad, Jambaluul, iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhammaan deegaannadan ayaa waxaa muddoyinkii dambe ku sugnaa maleeshiyaadka Khawaarijta oo mararka qaar halkaas kasoo abaabulo weeraro arbushaad ah.

Inta uu socday howlgalka ayaa ciidamadu waxa ay burburiyeen difaacyo ay Al-Shabaab ka qoteen halkaasi, gaar ahaan godad ay sameysatay kooxda.

“Howlgalka oo ka bilowday deegaanka Basra, ayey Ciidanka Kumaandooska Danab ku burburiyay godadkii Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana halkaas isaga cararay dhagar-qabayaashii nabadiidka ahaa, kadib markii ay u adkeysan waayeen awoodda Ciidanka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay goobihii ay kaga dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu deegaannada Jambaluul iyo Baqdaad ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ay dib usoo celiyeen amniga iyo xasilloonidii deegaannadaas, sidoo ciidanka ayaa kusii raad jooga firxadka nabadiidka”.

Al-Shabaab ayaa marar kala duwan si dhuumaaleysi ah ku yimid duleedka magaalada Muqdisho, waxayna kadib dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyaan daafaha caasimada, halkaas oo ay ka sameystaan maxkamado iyo baro-kontarool.

Si kastaba, Dwladda Soomaaliya oo horay u qaaday tallaabooyin culus ayaa ciidamadii ugu badnaa gaysay daafaha caasimada, kuwaas oo ka hortegay dhaq-dhaqaaqyadii Al-Shabaab iyo inay qaraxyo soo geliyaan gudaha Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News