25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Muungaab oo weerar ku qaaday Axmed Madoobe iyo ragga tegay Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday xaafadda Gubta ee degmada Dayniile ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jubbaland iyo ragga kale ee mucaaradka ee iska xaadiriyay shirka magaalada Kismaayo.

Muungaab ayaa doorasho diid ku tilmaamay xubnaha isugu tegay Kismaayo ee ka shiraya xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka.

“Niman ayaa waxay rabaan inay Xamar ay ka dhigaan Kismaayo oo kale marka nin oday ah oo dhowr bil kahor halkan ka cararay isaga oo doorasho diid ah oo yiri doorasho toos ah ma rabo ayay dhaheen odeygaas ayaan doorasho ka jarineynaa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaalidu waxay ku maah-maadaa ninka aad kobaha ka tolan rabtid waxaa la fiirshaa kobahiisa nin marka in doorasho la qabto halkan uga cararay ayay leeyihiin cadaalad iyo doorasho ayaan ka jarineynaa”.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in mucaaradka looga baahan yahay inay tegaan goobaha doorashada ee Muqdisho, ayna ku kalsoonaadaan shacabkooda.

“Doorasho Xamar ayay taallaa oo ay ka socotaa intaas oo sano ayaan ugu baaqeynay inay qaataan kaalintooda, ururradoodana ay diiwaan-gashadaan, tartanka dhinac ka galaan”.

Ugu dambeyn wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Haddii shalay xalka Soomaaliya ku jiray Garoowe one iyo Garoowe two maanta Kismaayo one iyo Kismaayo two Soomaaliya maanta way ka gudubtay, Muqdishana way ka gudubtay, cid u celin kartana ma jirto”.

Si kastaba, Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan Golaha Mustaqbalka uu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

- Advertisement -

Read more

Local News