Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan Madaxweyne Xasan Sheekh isku hayn arrimo shaqsi ah, sidaas darteedna uu cafiyay, isla markaana uusan waxba u hayn wixii maanta ka dambeeya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xilligan loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo, isla markaana si wadajir ah loogu istaago sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa isgoyska halista ah ee ay ku jirto.
“Madaxweyne Xasan Sheekh wax shaqsi ah iskuma hayno, cafis ayuuna iga yahay. Kaliya waxa aan u baahan nahay in aan dalka badbaadinno,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in isaga iyo Xasan Sheekh ay isku seegeen arrinta ku saabsan qabashada doorasho, isla markaana maamulladu ay booskooda sii joogaan.
“Waxa aan isku soo diidnay maxaa doorasho uga baahanahay; haddaan ku heshiinno, waan iska joogi karnaa inta aan doonayno,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.
Waxa kale oo uu Madoobe ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka warwareegayo xaqiiqada, isla markaana uu isku madadaalinayo “kelitalisnimo” aan shaqaynayn, sida uu hadalka u dhigay.
“Gogashan ma aha mid Soomaali lagu duminayo ama dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’inayo, ee waa wadatashi wax lagu saxayo. Madaxweyne Xasan wax badan ayaa ka maqan shalay iyo maanta; maanta 360 ayuu wareegay, umana muuqato,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu dambeyn shirweynaha ka furmay Kismaayo ku tilmaamay “mid lagu badbaadinayo dalka,” isla markaana loo baahan yahay in Soomaaliya la samatabixiyo.
“Waxaan rajeynayaa, anigoo niyad-sami qaba, in shirkan macnihiisu yahay in Soomaaliya maanta god ay ku dhacday ay u baahan tahay samatabixin, maadaama xeerarkii laga tagay. Madaxweyne Xasanow, waxyaabihii aad shalay diidnayd cidna kama aqbalayso,” ayuu yiri.
Hoos ka daawo muuqaalka

