Muqdisho (Somalia Today) — Bogga cusub ee dal-ku-galka elektarooniga ah (E-visa) ee dowladda Soomaaliya ayaa leh nusqaamo amni oo aad u waaweyn, kuwaas oo u sahli kara kooxaha dambiilayaasha ah iyo burcadda dhijitaalka ah inay si fudud u la baxaan xogta xasaasiga ah ee kumanaan qof, sida lagu ogaaday baaritaan ay sameysay Al-Jazeera.
Xogta dayacan ayaa isugu jirta faahfaahinta baasaboorada, magacyada oo saddexan, iyo taariikhda dhalashada dadka codsaday fiisaha.
Telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay jiritaanka dayacaaddan asbuucan, kaddib markii ay xog ka heleen khabiir ku takhasusay horumarinta mareegaha (web development) oo soo helay dal-daloolkan.
Isha warkan dusisay ayaa Al-Jazeera u bandhigtay caddeymo muujinaya inay mas’uuliyiinta Soomaaliya ku wargeliyeen khatartan toddobaadkii hore si wax looga qabto, balse nasiib-darro, ilaa hadda wax jawaab ah lagama bixin, ciladdina sidii ayay weli u taagan tahay oo lama xallin.
“Xatooyada xogta shaqsiga ah ee xasaasiga ah waa arrin aad u halis ah, waxayna dadka u horseedi kartaa dhibaatooyin ay kamid yihiin xatooyada aqoonsiga (identity theft), khiyaano lacageed, iyo in kooxaha xun-xun ay xogtaas u adeegsadaan basaasnimo,” ayay tiri Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda xuquuqda dhijitaalka ah ee Access Now, oo la hadashay Al-Jazeera.
Dayacnaantan cusub ayaa soo ifbaxeysa bil un kaddib markii mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen inay bilaabeen baaritaan la xiriira weerar dhanka internetka ah (hack) oo lagu jabsaday isla nidaamka E-visa-ga ee dalka.
Todobaadkan gudihiisa, Al-Jazeera ayaa tijaabisay ciladdan ay isha xog-ogaalka ahi soo gudbisay, waxayna muddo kooban gudaheed ku guuleysatay inay soo dejiso faylasha E-visa ee dad badan. Dadka xogtooda la helay waxaa kamid ah shaqsiyaad u dhashay dalalka Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland.
Dowladda Soomaaliya oo wax laga weydiiyay arrintan, lana ogeysiiyay ciladda jirta, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin.
“In dowladda ay ku degdegto hirgelinta nidaamka E-visa iyadoo aan u diyaarsanayn khataraha amni ee ka dhalan kara, kaddibna ay dib u soo celiso iyadoo weli uusan xal waara jirin, waxay tusaale cad u tahay tixgelin la’aanta walaaca dadweynaha iyo xuquuqda aadanaha marka la hirgelinayo kaabayaasha dhijitaalka ah. Tani waxay meesha ka saareysaa kalsoonida shacabka, waxayna abuureysaa dayac aan loo baahnayn,” ayay tiri Andere.
Waxay intaas ku dartay inay tahay wax laga naxo in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan wax digniin rasmi ah kasoo saarin jabintii xogta ee dhacday bishii November.
“Xaaladaha noocan ah, sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya wuxuu farayaa in hay’adaha maamula xogta ay degdeg u wargeliyaan hay’adda ilaalinta xogta, iyo dadka ay saameyntu ku yeelatay, gaar ahaan marka ay jirto khatar sare oo sidan oo kale ah,” ayay raacisay Andere.
“Waa in taxadar dheeri ah la muujiyaa maadaama arrintani ay saameyneyso dad u dhashay dalal kala duwan, taasoo keenaysa in sharciyo caalami ah ay soo galaan.”
Al-Jazeera waxay go’aansatay in aanay shaacin faahfaahinta farsamo ee ciladdan (technical details) maadaama aan weli la xallin, taasoo haddii la baahiyo u sahli karta haakariska inay si fudud u xadaan xogta. Sidoo kale, dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee la helay intii uu socday baaritaanka waa la burburiyay si loo dhowro asturnaanta dadka ay khuseyso.
Weerarkii hore iyo xaaladda amni
Bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin la xiriirta in xogta in ka badan 35,000 oo qof oo dalbaday fiisaha Soomaaliya la dusiyay.
“Xogta la helay waxaa ku jiray magacyada codsadayaasha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaannada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaannada guryahooda,” ayay tiri Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya xilligaas.
Si looga jawaabo dhacdadaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay cinwaanka mareegta (domain) si ay u xoojiso amniga. 16-kii November, hay’addu waxay sheegtay inay arrinta siinayso “ahmiyad gaar ah” ayna billowday baaritaan.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in isla toddobaadkaas, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi uu ammaanay nidaamka E-visa, isagoo sheegay inuu guul weyn ka gaaray ka hortagga in dagaalyahannada Daacish (ISIS) ay dalka soo galaan, xilli ay waqooyiga dalka ka socdeen dagaallo ka dhan ah kooxdaas.
Andere, oo ka tirsan Access Now, ayaa tilmaamtay in dowlado badan ay ku degdegaan hirgelinta nidaamyada elektarooniga ah, taasoo badanaa keenta xaalado amni darro.
“Badqabka xogta iyo amniga dhijitaalka ah (cybersecurity) waa waxa ugu horreeya ee la iska indho-tiro,” ayay tiri. “Way adag tahay in mas’uuliyadda dusha laga saaro dadweynaha, maadaama lagu qasbo inay xogtooda dhiibaan si ay adeegga u helaan, iyagoon doorasho kale haysan.”

