28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Booliska oo qaaday tallaabo culeyska ka yareynaysa shacabka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xalay fuliyay howl-gal lagu qaaday dhagaxyo horay u yiillay isgoysyada Tarabuunka iyo Digfeer ee degmada Hodan, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay sababay ciriiri xooggan oo saameeyay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Howl-galka kadib, Boolisku wuxuu dib u habeeyay goobaha lagu hubiyo gaadiidka, isaga oo ka fogeeyay isgoysyada, isla markaana meesha ka saaray dhagaxyadii yaallay, taas oo yareynaysa culeyskii dhanka isku socodka ee shacabka Muqdisho.

Tallaabadan ayaa la sheegay in lagu dejiyay nidaam marin oo u gaar ah gaadiidka iyo mootooyinka si loo yareeyo saxmadda waddooyinka.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa sheegay in dhagaxyadaasi markii hore loo dhigay sababo amni awgood, balse ay caqabad ku noqdeen isu socodka caasimadda.

Macallin Mahdi ayaa xusay in qorshahan uu ka mid yahay go’aammo ay gaareen hoggaanka sare ee dalka, kuwaas oo la xiriira qaadista dhagaxaanta maadaama uu jiro horumar dhinaca amniga ah, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dhagaxaanta kale ee harsan la qorsheynayo in la qaado maalmaha kooban ee ka haray sanadka 2026.

Sidoo kale waxa uu shacabka ka dalbaday inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga si loo sii adkeeyo nabadgelyada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho, waddooyin badan oo horay u xirnaa ayaa dib loo furay, waxaana gaadiidleydu sheegeen in arrintaasi ay si weyn u sahashay isu socodkooda, inkasta oo weli ay codsanayaan in la furo jidadka kale ee muhiim ah ee weli xiran.

- Advertisement -

Read more

Local News