27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Daawo: Jeesow oo cafis ka dalbaday Axmed Madoobe

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana qeyb ka ah shirka mucaaradka ee Kismaayo ayaa cafis ka dalbaday Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Jeesow oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirweynaha ayaa cafis ka dalbaday Axmed Madoobe, kadib markii uu hore ugu baaqay in lasoo xiro Madaxweynaha Jubaland, oo xiisad xooggan kala dhaxeyso Dowladda Federaalka.

“Mudane Axmed Madoobe iyo aniga xoogaa ayaa xafiiltamnay, waxaa leeyahay marka hore iska kay cafi, dhamaan reer Jubaland aha iska kay cafiyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaanka ayaa xusay in markii hore uusan islaheyn in Jubaland ay ka shaqeynayso badbaadada dalka, isagoo badbaadiye ku tilmaamay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

“Maan lahayn Jubaland ayaa intaan oo dad ah isku keenaysa oo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda badbaadinaysa, laakiin hadda wixii ka dambeeya waa badbaadiye Odayga (Axmed Madoobe),” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dhinaca kale, waxa uu si weyn u dhaliilay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inuu noqday “mudane ansax”. “Baarlamaan ma jiro, oo xaaladdiisa waxay noqotay ansax, oo wax walba oo la geeyo ansax ayau noqotay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa hoggaamiyeyaasha mucaarada iyo hoggaanka maamullada Jubaland iyo Puntland ee shirka uga socdo Kismaayo ugu baaqay in ay qaataan go’aan lagu badbaadinayo dalka.

“Puntland, Jubaland iyo madaxda kaleba go’aan qaata, inagana dhankeenna ayaa ka hirgelinayna go’aanka aad qaadataan,” ayuu yiri Jeesoow

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News