25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulmay – Maxaa laga wada-hadlay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay safar shaqo oo hal maalin ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya oo saacado kooban ah ayaa imanaya kadib shirka Kismaayo, ee u dhaxeeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagaya, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii xoogganaa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya ee Somaliland.

Inkastoo si rasmi ah loo xaliyay khilaafkii Soomaaliya kala dhaxeeyay Itoobiya, kadib dhex-dhexaadintii Ankara, haddana waxaa muuqata ifafaalo ay mar kale ku kala tagi karaan labada dhinac, maadaama ay Addis Ababa weli ka tanaasulin damaceeda badda.

- Advertisement -

Read more

Local News