Dublin (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla magaalada Dublin ayaa xukun adag oo xabsi ah ku ridday nin u dhashay Soomaaliya, kaas oo lagu helay dambi ah inuu baasaboorka diblomaasiga ah u adeegsaday tahriibinta haween sifo sharci-darro ah ku gelayay dalka Ireland.
Cabdiladiif Maxamed, oo 40 jir ah, laguna naanayso Xuseen, ayaa lagu xukumay afar sano iyo bar xabsi ah kaddib markii uu qirtay inuu ka faa’iideystay maqaamkiisa diblomaasiyadeed si uu haween dhowr ah uga caawiyo inay kasoo degaan Garoonka Diyaaradaha ee Dublin muddo saddex bilood gudahood ah sanadkii 2024.
Ninkan ayaa qirtay afar dacwadood oo la xiriira caawinta dad si sharci-darro ah dalka ku galayay, taas oo xadgudub ku ah Qodobka 6-aad ee Xeerka Caddaaladda Dambiyada ee 2021. Maxkamadda Dambiyada ee Dublin ayaa loo sheegay in xilliga uu dambiyadan galayay uu ka shaqeynayay adeegga diblomaasiyadda.
Dhacdada ugu weyn ee ninkan lagu qabtay ayaa timid 26-kii Nofembar 2024, kaddib markii diyaarad ka timid Abu Dhabi ay soo caga-dhigatay garoonka.
Cabdiladiif wuxuu la safrayay laba haween ah oo iska dhigayay inay yihiin xaaskiisa iyo gabadhiisa. Dhammaantood waxay ku socdaalayeen baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya. Inkastoo baasabooradu ahaayeen kuwo asal ah (genuine), haddana loogu ma talo-galin, loomana soo saarin labadaas haween ah.
Ciidamada amniga iyo socdaalka ee garoonka oo albaabka diyaaradda ku qaabilay rakaabka, ayaa isla markiiba dareemay in haweenku aysan u ekeyn sawirrada ku dheggan baasaboorada ay wateen.
Cabdiladiif ayaa markii dambe lagu arkay xafiisyada Waaxda Socdaalka Qaranka isagoo isku dayaya inuu dharkiisa ku dhex qariyo baasabooradii rasmiga ahaa ee haweenkaas wateen. Baaritaan lagu sameeyay ayaa laga helay laba taleefan, lacag cadaan ah oo gaareysa $13,910 iyo lacago kale oo qalaad.
Haweenka la qabtay ayaa qirtay in baasaboorada laga helay ninka ay yihiin kuwoodii saxda ahaa, iyagoo sheegay inay lacag ku siiyeen inuu halkan keeno. Haweeneydii hore ayaa sheegtay inay bixisay $14,000, halka tan kalena ay tiri waxaan bixiyay $15,000.
Qiraalka iyo xukunka
Intii uu socday wareysiga booliska, Cabdiladiif ayaa qirtay in qorshihiisu ahaa inuu sheego inuu todobaad fasax ah u yimid dalka, isagoo soo bandhigi lahaa tikidh uu dalka kaga baxayo maalinta xigta, halka haweenkaasina ay qorsheynayeen inay dalka iska joogaan.
Wuxuu sidoo kale qirtay inuu horey u fuliyay laba hawlgal oo noocan oo kale ah 30-kii Sebteembar iyo 6-dii Nofembar 2024. Booliska ayaa dhacdooyinkaas ku xaqiijiyay kaamirooyinka CCTV-ga, kuwaas oo muujinayay isagoo haween kala duwan soo gelinaya garoonka, kadibna ka tagaya iyagoo aan wadan wax dukumeenti ah si ay magangalyo (asylum) u codsadaan, halka isaguna uu sii qaadan jiray baasabooradoodii.
Garsoore Dara Hayes, oo xukunka riday Jimcihii, ayaa falkan ku tilmaamay dambi culus, isagoo xusay in adeegsiga baasaboorka diblomaasiga ay tahay arrin sii xumeynaysa kiiska.
“Baasaboorka diblomaasiga maqaam gaar ah ayuu leeyahay sabab wanaagsan awgeed, waana in lagu ilaaliyo shaqaalaha hawlaha qaranka u socda marka ay dunida marayaan, ee ma ahan in lagu caawiyo dambiyo,” ayuu yiri Garsooruhu.
Garsooraha ayaa iska diiday doodda qareenka difaaca oo sheegtay in ninkan qoyskiisa la afduubtay oo cadaadis la saaray, maadaama aan wax caddeyn ah loo hayn, lacagta faraha badan ee lagu qabtayna ay burinayso sheegashadaas.
“Waa arrin yaab leh in dadkan ay u ogolaadaan inuu la safro lacag intaas la eg oo ah faa’iidada uu hawshan ka helay,” ayuu yiri garsooruhu, isagoo xusay inaan wax sharraxaad ah loo hayn sababta uu u watay ku dhawaad $14,000 oo cadaan ah.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, iyadoo lixda bilood ee ugu dambeysa laga cafiyay shuruudo adag dartood, taasoo xukunka ka dhigeysa afar sano iyo bar, waxaana laga soo billaabay maalintii xabsiga la dhigay.

