26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Mareykanka oo Itoobiya ka codsaday in ay ciidamo u dirto…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa toddobaadkan horraantiisii codsi toos ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, isagoo ka dalbaday in xukuumadda Addis Ababa ay ciidamo ku biiriso Ciidanka Amniga Caalamiga ah (ISF) ee loo qorsheynayo in la geeyo marinka Gaza, waxaa sidaas wargeyska The Times of Israel u xaqiijiyay laba diblomaasi oo reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah arrintan. 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha 20-ka qodob ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo dhigaya in ciidamo caalami ah ay kormeeraan xilliga kala-guurka ee dib-u-dhiska iyo soo-kabashada dhaqaale ee dhulka Falastiiniyiinta, kaddib in ka badan labo sano oo dagaal burburiyay, naafeeyayna nolosha gobolkaas.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa wajahaya caqabado waaweyn. Wadamo badan ayaa muujinaya cagajiid xooggan oo ku aaddan ka-qaybgalka hawlgalkan, gaar ahaan qodobka xasaasiga ah ee ku saabsan hub-ka-dhigista kooxda Xamaas. Wararka ayaa sheegaya in maamulka Trump uu la daalaa-dhacayo sidii uu u heli lahaa dalal buuxiya safafka ciidankan, xitaa iyadoo weli lagu jiro heerka qorsheynta.

Wargeyska The Times of Israel ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan jawaabta uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ka bixiyay codsiga Rubio, balse tallaabadan ayaa muujineysa sida Washington ay ugu ooman tahay inay hesho dalal ogolaada inay askartooda u diraan goobtaas colaaddu ragaadisay.

Caqabadda Pakistan iyo Indonesia

Washington ayaa cadaadis ku saareysa dowladda Pakistan inay ciidamo u dirto Gaza, inkastoo Islamabad ay si cad u diidday inay qayb ka noqoto hawlgal ujeedkiisu yahay in hubka laga dhigo Xamaas. Saraakiisha ugu sarreysa milatariga Pakistan ayaa kulamo la qaatay Trump, iyadoo la filayo in kulan saddexaad uu dhawaan dhaco.

Inkastoo ilo-wareedyo u sheegeen Reuters in ciidankan la geyn karo Gaza bisha soo socota, isla markaana aanay “la dagaallami doonin Xamaas,” haddana qorshaha xabbad-joojinta ee Trump wuxuu shuruud adag ka dhigayaa in ciidanka caalamiga ahi ay fuliyaan hub-ka-dhigis buuxda oo lagu sameeyo kooxaha wax iska caabinta.  

Qodobkan is-diiddan ayaa abuuray jahwareer iyo diidmo ka timid dalalka Islaamka.

Ishaq Dar, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa 30-kii Nofembar si cad u yiri: “Haddii ujeedka ciidankan uu yahay in hubka laga dhigo Xamaas, diyaar uma nihin taas; taasi shaqadeenna ma aha, waa shaqada hay’adaha amniga Falastiin.”

Wuxuu intaas ku daray in xitaa Indonesia, oo horay u ballanqaadday inay ku deeqeyso ilaa 20,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah, ay walaac xooggan ka muujisay qodobka hub-ka-dhigista intii lagu guda jiray wadahadallada horudhaca ah.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News