26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

KENYA oo wafdi culus u soo dirtay Kismaayo + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta wafdi culus u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli haatan uu ka socdo shirka Golaha Mustaqbalka ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaamineyso Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya, Soipan Tuya, taas oo booqatay ciidamadooda ku sugan aagga Kismaayo.

Soipan Tuya ayaa la kulantay saraakiisha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM), iyada oo si gaar ah uga xog-wareystay dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxaa kale oo la filayaa inay la kulanto madaxda Jubbaland oo xiriir dhow la leh dowladda Kenya, si ay uga wada-hadlaan iskaashiga labada dhinac.

Kenya galaangal xooggan ku leh arrimaha Jubbaland, waxayna sidoo kale ciidankeeda ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Soipan, waa Haweeneydii 3-aad ee taarkiihda dalkaas noqota Wasiirka Difaaca, waxaa sidaan oo kale booqashada ciidamada ka jooga Soomaaliya uga horreeyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo hadda ah Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale.

Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Jubbaland ay ku mashquulsan tahay shirka mucaaradka ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena ay dhinac kale ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay ku garab siinayaan ciidamada Kenya iyo saaxibada caalamiga ah.

Si kastaba, waxaa isweydiin mudan: maxay Dowladda Kenya uga dan leedahay in xilligan ay wafdi culus usoo dirto deegaannada Jubbaland, iyadoo la ogyahay in horay ay ugu fashilantay isku-day ay ku dooneysay inay ku dhex-dhexaadiso Axmed Madoobe iyo Madaxweyn Xasan Sheekh Maxauud.

- Advertisement -

Read more

Local News