Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026-ka.
Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in mar kale uu wada-hadal la galo ragga kasoo horjeedo, si loo xalliyo tabashada ay qabaan, waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay in albaabkooda uu u furan yahay cid kasta oo kasoo horjeedo, ayna muujin doonaan tanaasul, si la’isku aqbalo.
“Walaalaha shakiga qaba ee annaga naga qaba oo maanta talada joogo ama shaati la’eg ayay tolanayaan hana dhaho ama waxbey qaldaan hana dhahaano waxaan leenahay albaabkeenna waa furan yahay waxaan diyaar u nahay dood waxaan diyaar u nahay tanasul” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu ku daray “Is aqbalidda iyo is qaadashada ayaa wax weliba ka wayn wixii maanta aan isla garan weyno inaan dib u dhigano ayaan berri isla garan doonaa”.
Waaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in aysan jirin cid la qasbayo amaba lagu beegsanayo fikirkeeda, ayna xor u tahay inay soo bandhigto aragtideed.
“Mas’uuliyiin dalkan laga yaqaano ayaa tihiin bannaanka ayaan taagnaaneynaa ma rabno iyo qaylo ayaan bannaanka la taagnaaneynaa. Qofka inta uu hadlaayo waa xor qof la aamusinaayana ma jirto” ayuu mar kale yiri Xasan.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan Kismaayo uu ka socda shirka mucaaradka, kaas oo la filayo inay kasoo baxaan go’aanno xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah.
Si kastaba, Doorashooyinkan oo qof iyo cod ah, laguna soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay dhacaan 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah, waxaana weli halkeedii ah diidmada mucaaradka, Jubaland iyo Puntland oo banaanka jooga.

