Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab culus kasoo saartay go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee isugu tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna duray war-murtiyeedka ay soo saareen.
Fiqi ayaa xusay in raggan oo horay uga baxay wada-hadalladii u la yeeshay Madaxweynaha ay hadda soo baraarugeen, isla markaana ay mar akle dalbadeen in fursad gaar ah la siiyo, si ay ula kulmaan Xasan Sheekh.
“Wixii ay ka carareen, gogoshii wadahadal ee u furnayd iyo ninkii ay gogosha uga kaceen ayay sanado ka dib ka baryayaan in uu bil gudaheed shir la qaato”a ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mar hore ayaan sheegnay in Meesha niman caraysan oo siyaasaddii ka xumaatay ay isugu tageen, ayaguna aan wax isku ogoleyn, cid kale aan wax u ogooleyn”.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-
Afkii ay ku diiday ayay ku haybinayaan!
Diseember 2022-dii ayuu Saciid Deni ka cararay wadahadalkii Villa Soomaaliya uga socday Golaha wadatashiga Qaranka ayadoo la leeyahay war ha naga tagin!
Oktoobar 2024-tii ayuu Axmed Madoobo ayadoo la baryayo kaga cararay Villa Soomaaliya Golaha wadatashiga Qaranka ee shir guddoonka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kooxda madasha Calaacalku 5 shir oo wadatashi iyo wadahadal ah ayuu madaxweynaha Jamhuuriyaddu kula yeeshay villa Soomaaliya, waa ku kala jabeen; qeyb ayaa qanacday, qeybtiii kale ayagoo weli loogu baaqayo in wadahadalku sii socdo ayay bartimihii sanadka 2025 xireen albaabkii wadahadalka.
Labadaas nin ee sare ku xusan iyo nimanka madasha calaacalku shir socday 3 maalmood ayay ku soo gabagabeeyeen Madaxweyne Xasanow nala shir!.
Wixii ay ka carareen, gogoshii wadahadal ee u furnayd iyo ninkii ay gogosha uga kaceen ayay sanado ka dib ka baryayaan in uu bil gudaheed shir la qaato.
Mar hore ayaan sheegnay in Meesha niman caraysan oo siyaasaddii ka xumaatay ay isugu tageen, ayaguna aan wax isku ogoleyn, cid kale aan wax u ogooleyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maantay ayuu ugu baaqayay nimankaas in gogosha wadahadalka la yimaadaan wax umadda u cuntamaya!

