27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Al-Shabaab oo bilowday qorshe ay malaayiin dollar uga qaadaneyso QM

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe ay malaayiin doollar uga soo ridanayso Hay’adda Qaramada Midoobay, iyadoo shaqaale ka tirsanaa hay’adda ay ku jiraan gacanta kooxda.

Kooxda ayaa maalmihii dambe si taxane ah u sii deysay muuqaallo ay ka soo muuqanayeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku dhowaad laba sano ay gacanta ku haysay kooxda.

Ambrose Kimiti, oo ah dhakhtar Kenyan ah kana tirsanaa kooxda daad-guraynta caafimaadka ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, ayaa ah shaqsigii ugu dambeeyay ee ay kooxdu soo bandhigto.

Kimiti ayaa farriin u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, isaga oo ka dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto arrintooda, isagoo sheegay in QM ay mas’uul ka tahay badbaadinta shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha la qafaashay xilli ay ku jireen gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ninkan ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo shacabka Kenya, isagoo Ruto ka dalbaday inuu saameyntiisa u adeegsado sidii ay u heli lahaayeen xorriyaddooda. Sidoo kale, shacabka Kenya ayuu ku boorriyay inay codkooda ku biiriyaan dadaallada lagu doonayo sii-dayntooda.

“Aniga iyo xubno ka mid ah koox aynu ka wada tirsanayn UN-ka ayaan ku jirnaa gacanta Al-Shabaab in ka badan hal sano iyo bar,” ayuu yiri Kimiti.

Kimiti iyo kooxdiisa ayaa la socday diyaarad helicopter ah oo ku burburtay 10-kii Janaayo 2024, gudaha deegaan ay maamusho kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku sii jeedeen deegaanka Wisil oo ku dhow Ceelbuur.

Tan iyo markaas, duuliyaha iyo shaqaalihii kale ee saarnaa diyaaradda ayaa ku jira gacanta kooxda.

“Waxaan aaminsanayn inaan u adeegayno arrin bani’aadannimo, balse Qaramada Midoobay way ku guul-darraysatay inay ka shaqeyso sidii aan xorriyaddeenna ku heli lahayn,” ayuu yiri Kimiti, isagoo xusay in ay isku dayeen inay la xiriiraan QM shilka kaddib, balse aysan jirin gargaar ama wada-xaajood rasmi ah oo loo sameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay kooxdu u sii deysay muuqaalka Oleynik Aleksandr, oo u dhashay dalka Ukraine, kana ahaa kabtanka diyaarad helicopter ah oo u gacan gashay kooxda.

Aleksandr ayaa ka codsaday dowladda Ukraine iyo Qaramada Midoobay in ay wada-xaajood ka galaan sidii loo sii dayn lahaa isaga iyo shaqaalaha kale.

Kabtanka ayaa si gaar ah farriin ugu diray Madaxweynaha Ukraine iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku boorriyay in aan la dayacin xaaladdooda, lana dardar-geliyo dadaallada lagu doonayo in lagu helo xorriyaddooda.

Diyaaradda ayaa u shaqaynaysay xafiiska UNSOS, oo tasiilaad u fidiya hawl-galka Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Tasiilaadkaas waxaa ka mid ah duulimaadyada gudaha.

Horay, Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigtay diyaarado milatari iyo kuwo kale oo ku dhacay deegaanadooda, kaddib markii ay ku yimaadeen cilado farsamo oo sababay inay soo dhacaan.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaysa culeys dhaqaale ayaa u muuqata in muuqaalladan iyo baaqyada ay Qaramada Midoobay u dirayaan shaqaalaha u qafaalan uga dan leeyihiin in ay hay’adda ka hesho malaayiin doollar oo madax-furasho ah, si ay u sii daayaan shaqaalaheeda.

- Advertisement -

Read more

Local News