Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde la xiri doono maalinta Khamiista ah oo loo asteeyay inay dhacdo doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Warqad kasoo baxday Hay’adda oo ku qorneyd Luqadda Engilish-ka aya waxaa lagu sheegay in doorashada darteed maalinta Khaamiista ah loo xiray garoonka Aadan Cadde oo muhiim u ah duulimaadyada gudaha iyo dibadda.
Ogeysiiskan ayaa toos loola wadaagay shacabka Soomaaliyeed ee garoonka isticmaala iyo shirkadaha duulimaadyada, si ay ula socdaan amarka soo baxay.
“Iyada oo la tixraacayo ogeeysiiska ku lifaaqan fariintaan, waxaa Shacabka Soomaaliyeed, Travel Agencies-ka iyo shirkaddaha diyaaraddaha la ogeeysiinayaa in Maalinta Khamiista ah oo ku beegan taariikhda 25 bisha December 2025 uu xiranyahay Garoonka Aden Adde doorashada awgeed (local Elections)” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda Duulista.
Sidoo kale, waxaa xalay go’aan kan lamid ah ku dhawaaqay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.
Lixda Aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codeynta doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.


