27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Xasan Sheekh oo la sheegay inuu aqbalay soo jeedinta mucaaradka ee shirkii Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg-deg ah u aqbalay dalabka uga yimid xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan shirka ku yeeshay magaalada Kismaayo, iyaga oo codsaday inuu kala fariisto tabashadooda.

Senator Iftin Xasan Baasto oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay soo jeedinta xubnaha mucaaradka, isla markaana uu la fariisan doono.

“Codsiga ay mucaaradka u soo direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa aqbalay, waana lala fariisan doonaa, waana uga mahadcelineynaa Madaxweynaha inuu ka jawaabay” ayuu yiri Iftin Baasto.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Codsigooda in la aqbalay baa rabaa in saxaafadda aan u sheego, Madaxweyne Xasan Sheekh wuu la fariisan doonaa dalkaana doorasho toos ah ayuu aadi doonaa wax dhibaato ah kama jiraan”.

Iftin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Madaxweynaha uu mucaaradka kala hadli doono caqabadaha jira, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Shirkii lagu soo gabagabeeyay Kismayo oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa waxaa lagu caddeeyay in Golaha Mustaqbalka uu diyaar u yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News