26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Hay’adda duulista socdaalka oo ku dhawaaqday in garoonka Muqdisho la xirayo maalinta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa shaacisay in Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho la xirin doono maalinta Khamiista.

Shaqada garoonka ayaa gebi ahaanba istaagi doonta Khamiista 25-ka Diseembar 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qoraal ay hay’addu soo saartay ayaa lagu ogeysiiyay shacabka, shirkadaha duulimaadyada iyo wakaaladaha safarka in muddada uu xirnaanshuhu socdo aysan jiri doonin wax diyaarado ah oo ka duulaya ama ka degaya garoonka.

Sidoo kale, Hay’adda Duulista Rayidka ayaa tilmaantay in go’aankan uu ka mid yahay tallaabooyinka amniga iyo diyaargarowga farsamo ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud iyo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa kula dardaarmay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha in ay dib u habeeyaan jadwalka safarradooda, isla markaana ay ka fogaadaan qorsheyn safar oo ku beegan maalinta la xirayo garoonka.

Hay’adda ayaa caddeysay in howlaha caadiga ah ee garoonka dib loo bilaabi doono marka la qaado xayiraadaha ku-meelgaarka ah ee la xiriira doorashooyinka, iyadoo rakaabka ku boorrisay in ay la socdaan ogeysiisyada rasmiga ah si ay ula socdaan wixii isbeddel ah.

Tan ayaa imaneysa saacado kadib markii Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Sidoo kae Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow xooggan ugu jira sugidda amniga doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo lagu carqaladeyn karo geeddi-socodka doorashada.

Lixda Aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codeynta doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Tallaabooyinkan waxaa kasoo horjeeda Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

- Advertisement -

Read more

Local News