25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Dowladda Mareykanka oo u yeertay safiirkeeda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyay in Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley, uu dib ugu laabto dalkiisa, tallaabadaas oo soo afjaraysa shaqadiisii diblomaasiyadeed ee Muqdisho ka hor waqtigii loogu talo-galay.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP, go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu waafajinayo hoggaanka diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee dalalka shisheeye siyaasadda Madaxweyne Trump ee ah “Mareykanka ayaa Horeynaya” (America First).

Riley wuxuu ka mid yahay ku dhawaad 30 danjire oo rug-caddaa ah iyo madax hawlgallo diblomaasiyadeed, kuwaas oo toddobaadkii hore lagu wargeliyay in shaqadoodu ku egtahay bisha Janaayo.

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadan ku qeexay mid lagu hubinayo in hoggaanka safaaraduhu noqdaan kuwo “si buuxda ula jaanqaadi kara” ajendaha maamulka Trump.

Riley, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha dibadda, ayaa xilka Soomaaliya la wareegay sannadkii 2024, waxaana la dhaariyey 8-dii May 2024, iyadoo waraaqihiisa aqoonsiga la guddoomay bishii Juun ee isla sannadkaas.

Haddii bixitaankiisu uu dhaco bisha Janaayo, sida ay AP sheegtay, Riley wuxuu Muqdisho ka shaqeynayay muddo qiyaastii 20 bilood ah—waqtigaas oo aad uga yar muddada caadiga ah ee 3 ilaa 4 sano ah ee danjireyaasha looga bartay.

Afrika ayaa ah gobolka ay saameynta ugu weyn ku yeelatay tallaabadan diblomaasiyadeed. Warbixinta AP ayaa sheegtay in danjireyaasha 13 dal oo Afrikaan ah loo sheegay in shaqadoodu dhammaatay, waxaana dalalkaas ka mid ah: Burundi, Cameroon, Cape Verde, Gabon, Ivory Coast, Madagascar, Mauritius, Niger, Nigeria, Rwanda, Senegal, Soomaaliya, iyo Uganda.

Culeyska isbeddelkan ee Afrika ayaa Soomaaliya dhigaya bartamaha istiraatiijiyad cusub oo saameynaysa guud ahaan gobolka.

Gudaha Soomaaliya, isbeddelka diblomaasiyadeed wuxuu ku soo aadayaa xilli xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu wajahayo saddex culeys oo isbarbar socda: hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, iyo is-mari-waa siyaasadeed oo ka taagan hannaanka doorashada.

Aqalka Cad weli ma shaacin cidda beddeleysa booska Muqdisho. Waxaa la filayaa in safaaradda uu si ku-meel-gaar ah u sii wado sii-haye (Chargé d’Affaires), inta Washington ay ka go’aansanayso hannaanka magacaabista.

- Advertisement -

Read more

Local News