27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Taiwan oo si adag ugu soo jawaabtay madaxweyne Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan ayaa si adag uga jawaabtay hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku duray qadiyada Taiwan, kadib wareysi uu 21-kii December 2025 siiyay telefishinka CGTN.

Bayaan kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu wareysigaas ku sheegay in Shiinuhu haysto awood ciidan oo uu ku “soo ceshan karo” Taiwan, hadalkaas oo Taiwan ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad ku lahayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gobolka.

Xafiisku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Taiwan tahay dal si buuxda u madaxbannaan, lehna dawladnimo dhammeystiran, isla markaana aanu jirin wax xiriir hoosaad ah oo kala dhexeeya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha (PRC).

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Indo-Pacific ay tahay arrin ay beesha caalamku isku raacsan tahay, isagoo ka digay in tallaabooyin militari oo hal dhinac ah oo Shiinuhu qaado ay khatar gelin karaan xasilloonida gobolka iyo tan caalamkaba.

Xafiiska Wakiilka Taiwan ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay dowladda Soomaaliya in ay diiradda saarto arrimaheeda gudaha iyo mudnaanta qarankeeda, halkii ay ku milmi lahayd loollan siyaasadeed oo caalami ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadallo colaad hurin ah ay waxyeello u geysanayaan kalsoonida iyo nabadda adduunka.

Bayaanku wuxuu caddeeyay in Taiwan ay sii wadayso taageerada qiyamka dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqayn doonto saaxiibbadeeda diblomaasiyadeed iyo dalalka ay wadaagaan aragtiyaha, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo tan caalamka.

Bayaankan ayaa imanaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay sida Soomaaliya ay uga soo horjeedo madax-bannaanida Taiwan, isla markaana ay taageerayso mowqifka Shiinaha ee ah in uu dib ula wareego jasiiraddaas.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka Shiinaha (CMG), ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya ay qayb ka tahay, si weynna u taageersan tahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan afarta tiir ee Beijing ay hormuudka ka tahay. Wuxuu caddeeyay in dowladdiisu ay waddo dadaallo ay ku ballaarineyso kaalinteeda kaga aaddan madal-yada caalamiga ah ee Shiinuhu hoggaamiyo.

“Dunidu way kala duwan tahay juquraafi ahaan iyo heerka horumarkaba; sidaas si la mid ah, caqabadaha waddan walba haysta waa kuwo gaar ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna intaas ku daray in qiimaha dhabta ah ee qorshayaashani uu ku jiro “mabaadi’da iyo hannaanka” ay xambaarsan yihiin—kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhowrista madax-bannaanida qarannimo, oggolaanshaha aragtiyada kala duwan, iyo iskaashi aan ku dhisnayn ka faa’iideysiga daciifnimada dadka kale.

Dowladda Shiinaha ayaa tan iyo sannadkii 2013 wadday aragtida ah “Dhismaha Bulsho Wadaagta Mustaqbal Mid ah,” waxayna soo bandhigtay afar hindise oo waaweyn: Tashuubka Horumarinta Caalamiga ah (2021), Amniga Caalamiga ah (2022), Ilbaxnimada Caalamiga ah (2023), iyo Hindisaha cusub ee Maamulka Caalamiga ah (2025).

- Advertisement -

Read more

Local News