Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.
Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar).
Miisaaniyadda Qaranka ayaa si rasmi ah u noqotay mid ansax ah kaddib markii ay oggolaadeen 174 xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaanna uu ka aamusay.
Sida ku cad jaantuska ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, miisaaniyaddan waxaa ku jira $46 milyan oo ah deyn ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadaneyso Bangiga Horumarinta Yurub.
Ka hor ansixinta, xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, kororka ku yimid iyo meelaha loogu talagalay weydiiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.
Ansixinta miisaaniyadda qaranka ee maanta ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa martay saddex akhrin, waxaana soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2026 ayaa ka badan tii hore $27,092,914. Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd $1,359,714,328 (hal bilyan, saddex boqol iyo sagaal iyo konton milyan, toddoba boqol iyo afar iyo toban kun, saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan dollar).

