Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen gudaha degmada Dayniile, gaar ahaan xaafadda Gubta oo uu dhawaan deegaan u aqoonsaday maamulka gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa weeraray dad shacab ah oo dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedaan maamulka cusub ee loo magaacabay deegaanka Gubta, kuwaas oo qaarkood lasoo xir-xiray.
Dadka gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa u badan dhalinyaro, si weyn u diidan maamulka uu Muungaab u dhisay deegaanka Gubta.
Sidoo kale, ciidamada ayaa xabsiga dhigay suxufiyiin badan oo goobta u tegay inay soo wariyaan dibad-baxa, kuwaas oo iyana la qab-qabtay, kadibna la dhigay xabsiga.
Dhinaca kale, xubno ka mid ah mucaaradka ayaa durbo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ciidamada ammaanka ee lagu beegsaday shacabka iyo wariyeyaasha.
Ra’iisul wasaarihii hore ee daka Xasan Cali Kheyre oo falkan cambaareeyay ayaa afduub ku tilmaamay, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka ay ciidanka boolisku deegaanka Gubta ugu gaysteen shacab si nabdoon u bannaanbaxayay iyo wariyayaal tabinayay. Waxaa ayaandarro ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay caadeysatay xarigga dadweynaha iyo saxaafadda madaxa bannaan, si ay u cabsigeliso, una caburiso warbaahinta iyo bulshada” ayuu yiri Khayre.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso dadweynaha iyo wariyayaasha, ayna joojiso xarigga iyo caburinta ay ku hawllan tahay oo wiiqaya dowladnimada, dimuquraadiyadda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed”.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa waday howlgallo ka dhan ah dadka banaanbaxa ka dhiga gudaha caasimada, maadaama xiisado waa wayn ay ka dhasheen barakicinta dhulalka danta guud ee ku yaal Muqdisho.

