Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weli kulamo xasaasi ah kasii wada magaalada Kismaayo oo uu dhawaan uga qayb-galay shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Shariif oo ay wehlinayaan xubno kamid ah Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta qaabilay guddoonka dhallinyarada Jubbaland, isaga oo la yeeshay kulan is xog wareysi ah.
Madaxweyne hore ayaa uga mahadceliyay dhallinyarada Jubbaland doorkooda ku aadan dowlad-dhiska iyo isku xirnaanta guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu dhallinyarada kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda, isla markaana ay si firfircoon uga qayb-galaan siyaasadda iyo dowlad dhiska.
Horay Sheekh Shariif ayaa uga qaybgalay kulan dadwayne oo ay soo agaasintay Jaamacadda kismaayo, halkaas oo lagu waydiiyay su’aalo ku saabsan hayaanka dowlad-dhiska iyo badbaadinta jamhuuridda 3-aad ee Soomaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqan ayaa qayb ka ah mid uu ololihiisa doorasho kusii xoojinayo Sheekh Shariif oo hadda hoggaamiya xubnaha mucaaradka ee sida wayn uga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrimaha doorashooyinka oo ay weli bannaanka ka joogaan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta.
Waxaa kale oo intaa dheer xaalad kale oo bani’aadanimo oo dalka ka jirta, taas oo ka dhalatay abaar baahsan oo ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka.


