26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Ciidanka DF oo la wareegay afar deegaan oo muhiim ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgal guuleystay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Ciidamada milatariga oo kaashanaya kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday xubno ka tirsanaa Khawaarijta, iyaga oo ka saaray dhammaan deegaannadii howlgalka laga sameeyay, sida ay sheegtay dowladdu.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen afar deegaan oo kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa oo ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

“Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha Qaybta Koowaad Kumaandooska Gorgor G/Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere) waxaana laga fuliyey deegaanada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa, iyadoo deegaanada ay howlgalladu ka dhaceen ay si buuxda ula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, intii uu howlgalka ciidamada ayaa wadooyinka ka soo saaray miinooyin ay Al-Shabaab la damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo ciidamada isticmaaa jidadkaasi.

Waxaa kale oo ay ciidamadu burburiyeen fariisimo muhiim ah oo ay kooxda ku baadi jirtay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaarka ah ee kooxda Al-Shabaab lagula dagaalamayo, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay Ciidanka Xoogga ayaa  diirada saaray dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo ka fuliyay howlgallo lagu naafeeyay argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News