New York (Caasimada Online) – Billowga sanadka cusub, Soomaaliya waxa ay gaartay guul taariikhi ah, iyadoo hoggaanka u qabanaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Muddo bil ah ayay hoggaanka u haynaysaa kursiga wareega ee golahaas.
Arrintan Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, maadaama dalka muddo ku dhow 35 sano la daalaa dhacayay burbur iyo dagaallo.
Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta golaha. Hoggaanka 15-ka xubnood ee golaha ayaa is-rogrogta, iyadoo dal walba hoggaanka qabto muddo bil ah. Habkan ayaa soo socday tan iyo 1946.
Dalka bishaas madaxweynaha ka ah golaha ayaa hoggaamiya isku-dubaridka hawlaha shaqo ee muddadaas. Waxa uu door ku leeyahay dejinta ajandaha iyo kala hormarinta qodobada ay xubnaha goluhu ku kala aragti duwan yihiin, mararka qaarna waxa uu u shaqeeyaa sidii diblomaasi dhexdhexaad ka ah dhinacyo kala aragti duwan.
Markii ay Soomaaliya kursigan hananaysay, waxa ay taageero ka heshay Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Safiir Xasan Daahir Dhimbil, oo horay u soo noqday safiirkii Soomaaliya ee Canada, ayaa BBC u faahfaahiyay shaqada kursigan. “Golaha Ammaanka sidiisaba waa 15 xubnood. Shanta xubnood ee joogtada ah waa Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka. Tobanka xubnood ee kale inta badan waxay ku yimaadaan si wareeg ah, waxayna joogaan labo sano oo keli ah,” ayuu yiri safiir Dhimbil.
Muddo 50 sano ah kadib, Soomaaliya waxay dib ugu fariisatay kursiga Golaha Ammaanka, iyadoo xejisatay muddada 2025 illaa 2026.
Shaqada madaxweynaha kursigan, dalka hoggaaminaya, waxa ay siinaysaa awood uu ku qabto hawlaha joogtada ah ee golaha, isla markaana uu door muuqda ku yeesho habsami-u-socodka shirarka iyo hagidda dooddooda.
“Waddanka guddoomiya golaha, hawsha ugu weyn ee uu qabtaa waa inuu guddoomiyo shirarka ka dhacaya golaha, uuna hoggaamiyo dooddooda iyo wadaxaajoodkooda. Waxa kale oo uu qabtaa isku-dubaridka mowduucyada laga hadlayo, qaabka loo wada hadlayo, iyo kala horraysiinta doodaha sida ay u kala muhiimsan yihiin,” ayuu yiri safiir Dhimbil.
Haddaba, maxay Soomaaliya uga dhigan tahay kursigani?
Kursigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay fursad u helayso inay miiska soo saarto qadiyadaha dal ahaan u muhiimka u ah, isla markaana ay taageeri karto qadiyadaha Afrika iyo saaxiibadeeda kale, iyadoo ajandaha shirka ku dari karta.
“Soomaaliya waxay uga dhigan tahay inay u hadasho nabadda Afrika oo dhan, gaar ahaan nabadda Geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horreyso, iyo la dagaalanka al-Shabaab. Waxa kale oo ay ka hadli kartaa soo kabashada dowladnimada Soomaaliya iyo isbeddelka cimilada,” ayuu yiri safiir Dhimbil.
“Hal bil ayay ahaanayaan guddoomiyaha Golaha Ammaanka, bishaasna iyaga ayaa awoodda u leh inay kala horraysiiyaan mowduucyada laga hadlayo,” ayuu sii raaciyay safiirku.
Inkasta oo muddada ay Soomaaliya ku sugan tahay Golaha Ammaanku ay kooban tahay (labo sano), haddana fursadda guddoominta bisha ah waa mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya, si ay u soo bandhigto qodobada mudnaanta u leh dalka, Geeska Afrika, iyo guud ahaan qaaradda.

