26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Mucaaradka oo shir xasaasi ah ku leh hoteel Jaziira

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir deg-deg ah kuleh hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa Madashu waxa ay diiradda ku saareysaa doorashada beri ka dhaceysa gudaha magaalada Muqdisho, taas oo haatan diyaargarowgeedii ugu dambeysay ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hadda leh shir uu albaabada u xiran yahay, waxaana la filayaa inay kasoo saaraan go’aanno la xiriira doorashada dalka, gaar ahaan goleyaasha deegaanka ee beri lagu wado in laga soo doorto.

Xubnaha mucaaradka ayaa si wayn u saluugsan qaabka ay wax u wado dowladda Soomaaliya, waxayna kol-hore ka istaageen bannaanka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay tageen Kismaayo oo ay kula soo shireen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo soo saaray go’aanno ka dhan ah doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qaban qaabineyso Villa Somalia.

Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Dhinacyada ayaa sidoo kale  isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News