25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay geerida taliyaha guud ee ciidamada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay shilkii diyaaradeed ee uu ku geeriyooday Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee Liibiya, Sarreeye Guuto Rukun Maxamed Cali Axmed Al-Xaddaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Liibiya ug tacsiyeysay geerida taliyaha iyo saraakiil kale oo sare oo ay la burburtay diyaaraddii ay la socdeen.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxayna ku burburtay agagaarka degmada Haymana ee gobolka Ankara.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo ku qornaa luuqadda Carabiga, ayaa lagu muujiyay garab-istaag iyo taageero loo fidinayo dowladda iyo shacabka Liibiya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa garab-istaagga iyo taageerada buuxda ee ay la leedahay Dowladda Midnimada Qaranka ee Liibiya, iyo qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo la wadaagaysa murugada iyo xanuunka ka dhashay masiibadan culus,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo aan soo turjunnay:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Liibiya, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyaha Guud ee Ciidanka Liibiya, Sarreeye Guuto Rukun Maxamed Cali Axmed Al-Xaddaad.

Shilka diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka degmada Haymana ee gobolka Ankara, dalka Turkiga, Talaadadii 23-kii Diseembar, ayaa sidoo kale waxaa ku naf waayay afar ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada iyo saddex ka tirsan shaqaalaha duulimaadka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa garab-istaagga iyo taageerada buuxda ee ay la leedahay Dowladda Midnimada Qaranka ee Liibiya, iyo qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo la wadaagaysa murugada iyo xanuunka ka dhashay masiibadan culus.

Waxaan Alle Subxaanahu wa Tacalaa ka baryaynaa inuu marxuumka naxariistiisa waasica ah ku mannaysto, Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, darajooyinkoodana kor ugu qaado, eheladooda iyo shacabka Liibiya ee walaalaha ahna ku gallado samir iyo adkaysi xilligan adag.

- Advertisement -

Read more

Local News