Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, isagoo eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Thaabit ayaa marka hore muujiyay inuusan kasoo horjeedin in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Muqdisho iyo guud ahaan dalka, balse uu diiddan yahay doorasho sharci-darro ah oo hal dhinac iska soo abaabusho, sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweynow waxaan ka mid ahay dadka jecel inay hirgasho himilada dadka Soomaaliyeed ee doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal ah, dad ay dhibaysana ma jiraan horumarka iyo himilada reer Muqdisho,” ayuu Thaabit ku yiri qoraal uu soo saaray.
Waxa uu intaas ku sii daray: “Waa laga fiicnaa adigoo ah Madaxweynaha JFS in hadalkaa xanafta leh ee kala-qaybin bulsho horseedi kara afkaaga laga maqlo. SubxaanaAllah!”
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay arrinta shakiga leh ee muujinaysa in Xasan Sheekh uusan daacad ka ahayn doorasho xor iyo xalaal ah, maadaama uu xitaa tixgelin waayay xeerkii uu rabitaankiisa ku beddelay, iyadoo aan heshiis lagu ahayn, kaas oo dhigayay in Duqa Muqdisho iyo ku-xigeennadiisa lagu soo doorto doorasho dadweyne.
Hoos ka aqriso qoraal oo dhameystiran:
Madaxweynow waxaan ka mid ahay dadka jecel inay hirgasho himilada dadka Soomaaliyeed ee doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal ah, dad ay dhibaysana ma jiraan horumarka iyo himilada reer Muqdisho, waana laga fiicnaa adigoo ah Madaxweynaha JFS in hadalkaa xanafta leh ee kala-qaybin bulsho horseedi kara afkaaga laga maqlo. SubxaanaAllah!
In awoodda shacabka loo celiyo waa himilada dadka Soomaaliyeed balse waxa aan ka digaynay waa in xuquuqda dadka lagu gambado, iyadoo danno shaqsi ah iyo mid kooxeed la leeyahay.
Wixii inoo muuqday ee doorashada sharci darrada ahayd waan aragnay, kaliya waxa la sugayo waa natiijadii caana-shubka ee aan mustaqbalka lahayn.
Madaxweynow xitaa xeerkii aad rabitaan kaaga ku beddeshay iyadoo aan heshiis lagu ahayn ma tixgelin weysay?


