Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay tallaabada uu Mareykanka dib ugu yeeray Safiirka Soomaaliya iyo soo afmeerka hawl-galkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ka waday Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay inay hanato dawladnimadeeda iyo inay ka kaaftoonto ciidamnada shisheeye ee Muqdisho ku ilaaliya.
Afhayeenka ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter) wuxuu ku sheegay in go’aanka Qarammada Midoobay ay ku xirayso hawl-galkii siyaasadeed ee Soomaaliya aanu ahayn isbeddel farsamo, balse uu noqday mashruuc fashilmay.
“Hay’adaha dowladnimada Soomaaliya waa kuwo aan iskood isku taagi karin oo ku socda hay’ado dibadeed. Soomaaliya weli ma awoodo inay sugto ammaanka caasimaddeeda oo ay qabato doorashooyin waqtigooda ku qabsooma,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dib ugu yeerista danjirihii Mareykanka ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay hoos u dhigid ka dhalatay fashilka dowladnimada Soomaaliya.
Wuxuu ku dooday in farriinta Mareykanku ay tahay mid cad oo la xiriira tobanaan sannadood oo ay taageereen Soomaaliya “ay Dowladda Muqdisho noqotay mid laga quustay oo aan hirgelin dowladnimo taabogal ah iyo dimuqraaddiyad.”
“Somaliland waxay ku naalloonaysa hannaan ka duwan xaaladda Soomaaliya, waxayna dowladnimadeedu ku timid rabitaanka shacbiga oo ay dhisatay laamaheeda dawliga ah, iyadoo aan helin taageero dibadeed, loona baahan ciidammo shisheeye oo xasiliya ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Afhayeen Xuseen Deyr.
Afhayeenka ayaa ku faanay in Somaliland ay sugtay xudduudaheeda, isla markaana qabatay doorashooyin badan oo xor iyo xalaal ah, kuwaasi oo u qabsoomay hanaan qof iyo cod ah.
“Farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waa kalsoonida iyo hufnaanta lagu qabo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

