Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaday aqoonsiga Somaliland.
Ololahan ayaa imanaya xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceyn, ayna Israa’iil si rasmi ugu dhawaaqday inay dal madax-banaan u aqoonsatay Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka telefoonka kula hadlay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti.
Saddexdan dal ayaa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay taageersan yihiin “Soomaali hal ah”, iyagoo si adag uga horyimid aqoonsiga ay heshay Somaliland.
Wasiiradda ayaa sidoo kale waxay adkeeyeen in jebinta midnimada dalalka ay khatar ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.
Waxayna si adag u muujiyeen diidmadooda ku aadan qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin, taas oo qeyb ka ah heshiiska Somaliland iyo Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horeysay si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.
Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.
Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

