Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in dalal kale ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga Somaliland, si lamid ah Israa’iil oo maanta si rasmi ah u aqoonsatay.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay reer Somaliland, oo in ka badan 30 sano raadinayay aqoonsi. “Waa dharaar bog dahab ah ku yeelan doonta taariikhda qarankeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa rumowday riyadii aqoonsiga Somaliland aynu 34 sano halganka ugu jirnay. Wixii weyna ee shacabku sugayay ayaa maanta yimid. Dowladda Israa’iil ayaa go’an geesinimo leh qaadatay oo si rasmi ah dunida ugu sheegtay inay si buuxda u aqoonsatay qaranimada, jiritaanka, iyo madax-banaanida Somaliland.”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa galinkii dambe ee maanta si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.
Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.
Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. Balse haatan Somaliland oo ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa sheegtay inay xiriir toos ah la bilowday Israa’iil.

