26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Cirro oo tallaabo kale qaaday kadib aqoonsiga ay ka heleen Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro), ayaa xalay kulan deg-deg ah la qaatay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore, Shir-guddoonka labada Gole Qaran, hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray aqoosniga ay Somaliland ka heshay Israel, kaas oo shalay dhacay, kadib heshiis ay gaareen labada dhinac.

Ugu horreyn Madaxweyne Cirro ayaa si faahfaahsan uga xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi-socodka ictiraafka Somaliland, iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee horseeday in Israel ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in ictiraafkan yahay mid midho-dhal u ah halgankii dheeraa ee Qaranka Somaliland, isla markaana u baahan midnimo Qaran, talo-wadaag iyo masuuliyad wadajir ah si fursaddan taariikhiga ah loo xoojiyo loona arko guul wayn oo u soo hoyatay dadka iyo dalka JSL.

Dhankooda kulanka waxa iyaguna hadallo kala duwan madasha ka jeediyey Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland oo dhammaantood Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeeyay ka miro dhalinta aqoonsiga Somaliland, waxana ay ku baaqeen in Xukuumadda la isbar-bar taago, lana muujiyo midnimo Qaran, sidoo kalena Bulshada JSL la wacyigeliyo laguna baraarujiyo in ay ku fara adaygaan guusha taariikhiga ah ee mar kale u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka oo ku soo dhammaaday is-afgarad guud iyo taageero Qaran ayaa waxaa xigay shir kale oo aan caadi ahayn oo Madaxweynaha Somaliland isugu yeeray Golaha Wasiirrada, kaasi oo si gaar ah loogu lafo guray arrimaha la xiriira aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland.

Fadhigan ayaa waxa lagu qiimeeyay marxaladda cusub ee taariikhiga ah ee uu dalku galay, dejinta istiraatiijiyad Qaran oo ku wajahan Amniga, ka faa’iidaysiga fursadaha la socda aqoonsiga, xoojinta Hay’adaha Dawliga ah, iyo dar-dargelinta xagga diblomaasiyadda, iyo fursadaha dhaqaale ee ka dhalanaya aqoonsiga, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen golaha.

Ugu dameyn Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in arrintani tahay masuuliyad Qaran oo u baahan in lagu qaabilo midnimo, isku-duubni iyo wada-shaqayn buuxda, isla markaana ay Xukuumaddu si midaysan ugu hawlgasho ilaalinta danaha Qaranka & xaqiijinta himilooyinka Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News