Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay wada-hadal deg-deg ah oo khadka taleefoonka ah la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
Wada-hadalkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira tallaabada Israel oo shalay ku dhawaaqday in aaqoonsatay Somaliland.
Madaaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha uu la xiriiray si gaar ah ugala hadlay sidii loo qaadan lahaa mowqif mideysan oo qaran kuna aadan go’aanka qaraar ee kasoo baxay Israel, maadaama uu halis ku yahay midnimada dalka.
Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korotay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan jawaab laga sugayo xubnaha Samatabixinta oo maanta go’aan ka gaari doono dalabka uga yimid Xasan Sheekh, waxayna u badan tahay inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweynaha.
Sidoo kale, waxaa jiri doono dood adag oo ku saabsan ajendaha kulanka, gaar ahaan in la kala hormariyo arrimaha qaran iyo qodobkii rasmiga ahaa ee loogu yeeray, si ay go’aan mideysan uga qaataan aqoonsiga Israel ee Somaliland.
Dowladda Federaalka oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.
Mucaaradka ayaa dhankooda tallaabada ay qaadday Israel ku sheegay mid meel ka dhac wayn ku ah madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga QM iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.

