Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa jawaab deg-deg ah kasoo saartay tallaabada ay qaaday Israel oo aqoonsatay Somaliland, kadib heshiis muddo dheer soo socday oo shalay ay dhaqan-geliyeen labada dhinac.
Safiirka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho, Wang Yu ayaa sheegay in aan marna lagu xadgudbi karin midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxdo u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya.
Danjire Wang Yu oo wada-hadal khadka telefoonka ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Dhaay, ayaa xoojiyay taageerada uu Shiinaha u hayo madax bannaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliya.
Shiinaha ayaa weligiis diidanaa ictiraafka Somaliland, wuxuuna kula jiray dagaal diblumaasiyadeed oo adag, maadaama ay xukuumadda Hargeysa xiriir la leedahay Taiwan oo uu Shiinaha u diidan yahay madax banaani gooni ah.
Waxaa sidoo kale arrintan meel adag iska taagay dowlado kale oo waa wayn oo uu ugu horreeyo Turkiga oo ka mid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, isaga oo si cad u diiday go’aanka Israa’iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu yahay faragelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana uu halis gelinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Masar ayaa iyaduna si xooggan uga hortimid tallaabadaas, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdulcaati, uu wada-hadallo degdeg ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti.
Mas’uuliyiintaasi ayaa isku raacay in gebi ahaanba la diido tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliya, isla markaana la adkeeyay in ilaalinta xuduudaha dalalka ay tahay tiir aasaasi u ah nidaamka caalamiga ah.
Diidmadan ballaaran ayaa muujinaysa in tallaabada Israa’iil aysan helin wax aqbalaad ah oo heer gobol ama mid caalami ah, isla markaana ay sii xoojisay taageerada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka haysato hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka dariska ah.

