Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in go’aan xasaasi ah uu ka qaato aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, kaas oo dhaliyay hadal-heyn xooggan iyo diidmo heer caalami ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta hadal kooban ka jeediyay Baarlamaanka ayaa sheegay in jawaab ay ka bixin doonaan aqoonsiga Israel ee Somaliland oo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka oo kooram la’aan noqday ayaa xusay in Baarlamaanka labadiisa gole uu mowqif cad ka qaadan doono aqoonsiga Israel ee Somaliland, isla markaana uu la tashi soo sameyn doono, si uu shacabka Soomaaliyeed ula yimaado wax ay ku qancaan.
“Maanta arrinta dib ayaan u dhiganeynaa kooramkana waa soo buuxsaneynaa labada aqalna isku mowqif ayay ka noqonayaan, waxaan rabnaa wax ummadda Soomaaliyeed u cuntama inay noo soo baxaan” ayuu yiri Aadan Madoobe.
Xildhibaan Caasho Koos oo iyana si adag uga hadashay arrinta aqoonsiga ayaa farriin culus u dirtay Somaliland iyo xukuumaddeeda.
“Nin taleefan ku hadlay wax ma bixin karo, hal gantaal oo Yemen laga soo tuuro ayaa ku filan Somaliland” ayay tiri Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeedda Awdal.
Xukuumadda Soomaaliya oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa caddeysay mowqifkeeda, waxaana go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.
Mucaaradka ayaa dhankooda tallaabada ay qaadday Israel ku sheegay mid meel ka dhac wayn ku ah madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga QM iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.
Waxaa sidoo kale arrintan meel adag iska taagay dalal iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana jebinaysa mabaa’diida aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.

